Faallo:-KULMIYE Lagaama Rabee, Waxaad taraysaa Yaraa!!

0
Saturday October 30, 2021 - 12:22:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-KULMIYE Lagaama Rabee, Waxaad taraysaa Yaraa!!

    Haddaba, suurto-gal ma tahay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba, suurto-gal ma tahay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi.....
Hargeisa(HWN):-Waxa dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay socday wada-hadallo u dhaxeeya garab siyaasiyiin ah oo uu hoggaaminnaayo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kadib markii uu khilaaf soo dhex-galay Siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.



Khilaafkan dibad-jooga ka dhigay Maxamuud Xaashi waxa uu salka ku hayay ama uu ka dhashay Guddoonka Xisbiga KULMIYE oo Maxamuud Xaashi damac kaga jirey in lagu wareejiyo, balse damacaasi uma hirgelin oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si cad uga horyimid inuu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga, taasinna waxay abuurtay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Muuse Biixi ay kala foggaadaan, isla markaanna waxa curtay dagaal siyaasaddeed oo aan wax tudhaale ahi ku jirin, iyaddoo siyaasiga Maxamuud Xaashi uu si wayn uga hor yimid hoggaamintii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Wada-hadallada u dhaxeeya Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo garab siyaasiyiin ah oo uu hoggaaminnaayo Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhawr jeer la isku hor-fadhiistay, iyaddoo garabka uu gadh-waddeenka u yahay Maxamuud Xaashe ee isbadal doonka ahi ay qacdii horeba miiska soo dhigeen in lagu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaanna iyagunna ay cududdooda siyaasaddeed ay isugu geeyaan siddii doorkan Kursiga Madaxtooyadda ay u saarri lahaayeen Murashaxa Xisbigaas Cabdiraxmaan Cirro.


Halkan Guddidii uu hoggaaminaayay Cabdiraxmaan Cirro ee wada-hadalladan u matalaayay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay miiska soo dhigeen qoddobo ay ugu muhiimsannaayeen in horta ay Xisbiga soo gallaan, isla markaanna haddii uu Xisbigu ku guulaysto doorashadda innagu soo aaddan saami-qaybsi balaadhan laga siinnaayo Xukuumadda xisbiga WADDANI uu soo dhisi doono. Sidoo kale, dhinaca Xisbiga WADDANI waxa ay qoddobada ku soo darreen in marka uu guulaysto WADDANI uu qorshayaasha hor tabinta leh ku dari doono furista ururrada siyaasadda oo ah meesha uu u socdo Maxamuud Xaashi Cabdi, inkastoo aannay labadda dhinac waxba ku heshiin oo dhinac weliba uu ku dhegganaa siddii uu is lahaa way ku badinaysaa ee doonistoodda ahayd, haddana waxa ay dib isugu laabteen wada-tashiyo iyo dib u eegis ay qolo kastaa dhankeedda isugu maqan yihiin.


Haddaba, suurto-gal ma tahay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi uu gaadho damaciisa ah innuu helo Xisbi uu kula loollamo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ah shaqsiga uu doonnaayo inuu la galo loollan siyaasaddeed oo adag? marka aynu si kooban su'aashaas uga jawaabno wakhtigan la joogo iyo xaaladdaha ku xeerran Xisbiga WADDANI ee uu wada-hadallada kula jiro suurto-gal u noqon mayso inuu heshiis caynkaas ah oo Xisbiga lagu wareejinnaayo uu la gaadho Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waayo xisbigaasi waxa uu ku jiraa marxalad adag iyo culaysyo siyaasaddeed oo mawjaddo caarridaad ah ayuu dhex dabaalanayaa, markaa wax kale oo lagu heshiiyo mooyee xilligan Xisbiga WADDANI ama Cabdiraxmaan Cirro ma awooddi karro innuu Maxamuud Xaashi ku soo dhaweeyo oo ku wareejiyo Xisbiga WADDANI.


Si kastaba ha ahaatee, gorgortankii uu Maxamuud Xaashi kula jirey Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa dabadda ka dallooliyay Wareegtaddii lagaga caydhiyay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, markaa hadda wixii lagula heshiiyaba waa iska aqbalayaa, waayo waxa si cad loogu yidhi "KULMIYE lagaama rabee waxaad taraysaa yarraa"
Loading...
Loading...