Guusha Kalidii Taliye Farmaajo Iyo Guuldarada Beesha Hawiye Maxaasabab U Ah
Gari Allah ayey taqaanaa ee xigaal iyo xigto toona ma taqaano waa ereyo laga hayo muwaadin Somaliyeed oo laba nin u garsoorayey laba nin oo mid ay xigto ahaayeen kaas oo gartii ku ridey ninkii ay ehelka ahaayeen,sidaa awgeed arinta gartu waa in loo cadaalad sameeyaa labada dhinac ee aynu ablo ableyneyno.
Ugu horeyn waa ayo beesha Hawiye side ayeyse u guul dareysteen?
Hadii aynu eego
Wikipedia waxaa uu qorey sidan:
The Hawiye (Somali: Hawiye, Arabic: بنو هوية, Italian: Haouia, English: Hawiye) is a large Somali clan family. Members of this clan traditionally inhabit central and southern Somalia, the Somali Region and the North Eastern Province (currently administered by Ethiopia and Kenya, respectively). They are also the majority in the capital city, Mogadishu.[1]
((Hawiye (Soomaali:
Hawiye, Carabi: بنو هوية, Talyaani: Haouia, Ingiriisi:
Hawiye) waa qoys weyn oo Soomaaliyeed. Xubnaha qabiilkani waxay degaan ahaan
degan yihiin badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, Gobolka Soomaali galbeed iyo
gobolka Waqooyi Bari (oo hadda ay kala maamulaan Itoobiya iyo Kenya, siday u
kala horreeyaan). Sidoo kale waa aqlabiyadda dadka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.))
Beel ahaan waa beel
taariikh iyo magacba ku dhex leh bulshada Somaliyeed waana beel ka mida beelaha
siyaasada Somaliya kaalin weyn kaga jirta.
Marka laga eego
dhinaca muwaadinimada,somalinimada iyo wadaniyada waxaa kaga horeeya uun
Beelaha Somaliland oo kaalinta kowaad kaga jira dhinacaasi halka beesha Hawiye
Kaalinta labaad kaga jirto.
Balse Beesha Hawiye
Kaalinta 1aad waxay kaga jirtaa dhinaca dulqaadka ee xaraaradaha xarakooyinka
iyo kacdoonada siyaasadeed ee xidhiidhka bulshada iyo siyaasada halka beelaha
Somaliland ka gelayaan kaalinta 10aad.
Tusaale Dhacdada Ikran Tahliil
Hadii ay dhaci lahay
arintii Ikran Tahliil oo kale in ay ka dhici lahayd meel ka mida Somaliland
dadka reer Somaliland kama daaleen mudaharaado iyo kacdoono ka dhan ah dawlada
Somaliland halka Muqdisho iyo reer Hawiye aan laba arag dad iskood isku
abaabuley oo arintaa ka muujinaya dareenkooda.
Hadaba maxaa u la jeedaa guusha Farmaajo?
a) Kali taliye Maxamed Farmaajo wuxuu taariikh ahaan ka mid yahay dadkii xukunkii siyaad Bare ee dhibaatooyinka dadka Somaliyeed qaybta ka ahaa fikriyan iyo camiliyan ba
b) Maxamed Farmaajo waxaa uu kursiga Madaxweynanimada ee doorashadii ugu dambeysey ee Somaliya ku yimi Musuq iyo laalush sida ay in badan qoreen wargelisyada caalamka iyo aqoon yano caalami ahiba
c)
Farmaajo wuxuu cabudhinta,xasuuqa,naxariis darid iyo dilalka qorsheysan ee siyaasadeed
kaalinta kowaad ka galey dhamaan xukumadihii isaga ka horeeyey ee fedrelka
Somaliya Soo maray
Tusaale:
1. Mirtii Guriga Gudoomiyaha Xisbiga wadajir( Ina Cabdishakuur)
2. Xasuuqii Baydhabo ee lagu laayey dad ka badan 15 qof taas oo markiui Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysaa Cambaareysey uu Farmaajo Cayriyo(Eryo) Wakiilkii Somaliya ee UN
3. Dilka Ikran Tahliil oo lagu eedeynayo Hayada NISA oo ay Ikran Xubin ka ahayd
4. Weraradii Lagu beegsadey Madasha Musharaxiinta ee Muqdisho
5. Dilal kale oo siyaasadeed oo lala xidhiidhiyo masuuliyadeeda xukumada Farmaajo.
d) Farmaajo waxa uu kala qaybiyey dadka Somaliyeed oo uu iskaga horkeenay qabiil qabiil isaga oo Maamuladii federalka ahaa ee dhisnaana ferageliyey intooda badana xukunka ku saarey dad uu isagu wato si qori caaradii ah tusaale waxaa kugu filan Konfur Galbeed ,Galmudug iyo Hirshabeele isaga oo isku dayey Puntland iyo Jubaland balse Puntland ku fashilmey.
e)
Farmaajo Wuxuu Sameystey korarsi 2 Sano ah si aan sharciga waafaqsaneyn in
kasta oo markii dambe cadaadis bulsho uu keenay inuu ka noqdo.
Intaas oo arimood waa marxalad muujineysa in farmaajo aanu ahayn nin u qalma in
uu kursi dal somaliyeed lagu aamino balse waxaa uu si fudud uga guuleystey
Beesha Hawiye oo uu dagaal kula jirey Siyaasiintooda sanadkii ugu dambeeyey
Waayo Mudo ka badan 8 Bilood ayuu si firfircoon kugu fadiyaa Kursigii
Madaxweynaha Somaliya oo wakhtigiisu dhamaadey
Waxaa uu si cad isku hortaagey in Ikran Tahliil oo la aaminsan yahay inuu wax
ka og yahay meesha ay ku dambeysey iney cadaalad hesho sirta ku duugana la helo
taas oo fure u noqon lahay waxyaabo badan oo qarsoon iyo khaarajino si
qorsheysan loo fuliyey iyo siro badan oo aad u sareeya taasna beesha Hawiye Waa
uu kaga guuleystey in ay cadaalad u helaan inantoodii.
Cadaadis iyo dagaalo Faraha laga gubtey oo dhexmartey Farmaajo,Fahad yaasiin
iyo Siyaasiinta Federalka ah ee Somaliya,beesha Hawiye beesha hawiye lafteedaoo
isku dhinac ahna waxaa muuqata in uu Farmaajo iyo Fahad yaasiin ay 5 iyo 1 kaga
guuleysteen Siyaasiinta Hawiye Beesha hawiyeba ka dib markey ku guuleysteen in
ay hubka iskugu dhiibaan ciidamadii beesha Hawiye iyaga oo u kala bixiyey
Ciidamada Galmudug iyo kuwa Federalka oo isku dhinac ah iyo Kuwa Allah Suna oo
ka Soo horjeeda balse runtu tahay Hawiye Hawiye la dagaalamaya.
Ugu dambeyntii Guusha Farmaajo waxaa sabab u ah dhaqaalaha,talooyinka, iyo
taageerada dalalka qarsoon ee raba in Farmaajo ka dhigtaan madiidin(adeege)
kooda keli taliye aan dhicin ee Somaliya iyo dufanka siyaasiinta hawiye la
siiyo( Fara dufan leh baa wax duuga). balse tii Allah ayey noqon bal aynu eegno halka arimuhu ku dambeeyaan.
Mahadsanidin dhamaantiin
MJ Farah
source hogaanka.org
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!