Shabeel Baa Yidhi "Waan Garanayaa Oo Giiro Ayaa Dhashaydii Laysay"

0
Saturday October 30, 2021 - 10:28:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabeel Baa Yidhi "Waan Garanayaa Oo Giiro Ayaa Dhashaydii Laysay"

    W/Q: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdi Muhumed
Dhowr toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay Xukuumadda Somaliland ku dhex dhacday dad ka yimi Koonfur Galbeed ee Somaliya, kuwaasi oo magaaladda Laas-caanood ku noolaa mudo dheer kuna tarmay ayna hoy u ahayd magaaladaas Laas-caanood iyo guud ahaan gobolka Sool. Waxaa ku soo noqnoqday Gobolka Sool dilal loo gaystay dad u dhashay gobolka oo aan la garan haybtoodda, dilalkaas oo kii ugu danbeeyay lagu beegsaday xildhibaan ka mid ahaa kuwii dhawaan uun la doortay. Haddaba dilalkan oo ah kuwo qorshaysan oo aad u abaabulan lagana hagayo meel aan ilaa hadda la garan ayay ku guuldaraysteen xukuumaddihii kala danbeeyay ee Somaliland, kuwaasi oo farta ku fiiqi kari waayay cidda ka danbaysay dilalkan qorshaysan ee mudada dheer ka socday gobolka aakhirkii ayay Somaliland xukuumadeedda uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan), gacantiisa midigna uu u yahay Maxamed Kaahin oo aan wax badan dhaamin kana quuddaraynaya inuu mar salka u saaro kursigga madaxwaynenimo oo uu hadda ka sugayo yahayna dhaxal sugaha kursigga guddoomiyenimo ee Xisbigga Kulmiye ,iyadoo aanu hubin inuu ku noqon doono madaxwayne iyo in kale haddase qaba rajo Muuse dabaddii, taasi oo la kala ogaan doono doorashadda madaxwaynenimo ee soo socota haddii Alla yidhaa ka dib labo sanno oo korodhsiimo ah oo uu meel sii dhigtay waa Muuse'e,  waayo wali ma buuxsamin maqalkii uu lacagta ku urursanayay ee madhnaa waana sababtaa uu u rabo muddo korodhsiga.

 

Somaliland waxaa lagu qiyaasaa sanad maaliyadeedkeedda 445 million oo Dollar Maraykan ah. Waxa kale oo la sheeggaa in ay lacagtaa inteedda badani ku baxdo nabad galyadda qaranka, waliba in ka badan kala badh , haddaba su'aashu waxa ay noqonaysaa qaran leh ciiddamo boolis, milatari, asluub iyo sirdoon oo hortoodda lagu gawracay in ka badan 80 qof oo ku guuldaraystay ina hal qof ka soo qabtaan dadkii ka danbeeyay dilalkaa qorshaysnaa, kuwaasi oo waliba ka fuliayay ciidda Somaliland. Waxaa dhici karta inay yihiin kuwo ay soo direen maamul goboleedka Somaliya ee Puntland, waxana iyana dhici karta in ay soo dirtay dadkaas dawladda Federaalka ee Somaliya oo si wayn uga soo horjeedda in Somaliland la soo noqday lana soo noqon karo gobanamimaddii loo lumiyay shan Soomaaliyeed oo riyo ah, iyana waxaan meesha ka madhnayn in ay wadaan dilalkan qorshaysan dad u dhashay Laas-caanood oo ka soo horjeedda Somaliland, taasi oo si wayn iyo siyaalo kala duwan loo soo arkay xilliyaddii Riyaale iyo Ciggaalba taasi oo gobolku iska darafyo badan yahay, waxa kale oo dhici karta in argagixisadda IS oo ku dhuumaalaysta buuraha aan ka fogayn ee Galgala iyo nawaaxigeedda ay noqon karaan, kuwaasi oo dagaal ba'an ay hore ugula jirtay maamul goboleedka Puntland .

 

 

Haddaba iyadoo aan la hayn xaqiiqda dhabta ah ee dilalkan oo ay xukuumadda Somaliland aad ugu fashilantay inay hal qofna Alle ha ka yeelee ku guulaysato inay gacanta ku dhigto, taasi oo iyana sahli lahayd haddii ay dhacdo in silsiladda iyo ciriqa arrinka la heli lahaa. Maa ay se dhicin waana arin dhabar ku ah waranimada iyo dawlada Somaliland oo sheegaysa inay in ka badan kala badh, sanad maaliyadeedkeedda ku bixiso nabad galyadda qaranka uu sirdoonkeeddi heli kari waayay ciriqa arrinka.



Haddaba anigu ma qabo in beesha Koonfur Galbeed ka danbyso dilalkan qorshaysan ee waxa aan aad u rumaysanahay in cid ka feejigan, kana horumarsan beesha. Beesha oo intooda badani u yimi ka soo qaxii ay ka soo qaxeen gumaadkii loo gaystay horraantii 1990kii, oo uu hoggaaminayay dhiigyo cabkii Janaraal Caydiid inaanay sababo siyaasadeed iyo kuwo milatari toona aanay u abaabulaan karin inay falalkan ka danbayn karaan. Haddba cid kastaba ha ka danbaysee waxaa iska cad inay sirdoonka iyo xukuumaddihii kala danbeeyay ee Somaliland ay si ba'an ugu guuldaraysteen inay cid farta ku fiiqaan taasina ay ku timi sida xukuumaddahaasi u noqdeen kuwo Afka nool ah oo Hargaysa fadhiya, si saxana aan u shaqayn. Xukuumadani malaha wada shaqayn la mida tii xukuumaddii Riyaale oo heerkii ugu sareeyay ka gaadhay inay gacanta sare yeelato, kana horjoogtsato inay Al-shabaab cag soo dhigto iskuna fidiso Somaliland. Iyadoo dadwaynaha reer Somaliland ay qayb laxaad leh ka qaateen ka dhan ahaanshiiyihii Al-shabaab, iyagoo u diiday inay ku soo dhex gabadaan taas ayaa ah ta ah ta guuldaradda ugu wayn min heer gobol ilaa heer xukuumadeed waana in loo dhug yeeshaa in waxa laguu sheegayo aad iska xanbaarato.

 

Siddii loola dhaqamay beeshaasi waxa ay ahayd wax laga yaqyaqsooddo oo aan la qaadan Karin, iyadoo aan caddaymo loo hayn inay iyagu yihiin kuwii falalkaa ka danbeeyay laguna daabulo uun baabuur, siddii xoolihii iyadoo aan la siin wakhti ku filan dad ku tarmay oo 30 sanno ama wax ku dhow halkaa ku dhaqnaa. Waa gaf in lagu yidhaa hal wiig ama wax la mid ah kaga guur meel uu hanti ma guurto ah iyo mid kaleba ku lahaa.


Haddiibase ay xukuumadda Somaliland ku qarinayso guuldaradii ka soo waajahday helid waaga ciddii falalkan argagixiso ku laayay dad sare u dhaafay 80 ayna ka soo minguurisay masabidkaa Maamul Goboleedka Puntland oo dad ka yimi Koonfur Galbeed ee Somaliya,  inay suuqyadda ku toogtaan iyagoo leh waxa ay yihiin IS iyo Al-shabaab bal in qaab dawladeed loo galo oo loo maro IOM oo Xafiis Hargaysa ku leh lana siiyo ugu yaraan lix bilood oo ogaysiin ah inay ku guuraan hantidooddana ku urursdaan iyadoo haydaasina ay kor jooge ahaan u ilaalinayso, taasi oo qaybta Somaliland uu madax ka yahay Xerow Xinif oo ku caan ah is daad raacinta Xisbigga Kulmiye iyo Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan), oo u adeegsadda arrimaha bariga Burco marka ay dano siyaasadeed ka soo galaan beeshaas.


Haddaba waxaan jecelahay inaan ku soo gabagabeyo maqaalka in aan loo hayn wax cadayn ah inay beesha Koonfur Galbeed ka danbaysay dilalkaa qorshaysnaa ee soo taxnaa mudadda dheer iyo inaanay ula dhaqmin qaab dawladnimo iyo Bani aadanimo Xukuumadda Somaliland dadkaas iyo inaan wali la hayn Hubantidda in dilalkaasi joogsan doonaan, bacdamaa aan hal qof loo qaban lana hayn halka ay dabadda ku hayso arrinkaas.


Miyaan haddba la odhan karin Xukuumadda Somaliland waxa ay si Gole ka fuul ayay arrinkaa uu fashay, waanan ka xumahay! Dad Magangalyo dalka u joogga in sidaa loo hagardaameeyo ee Xukuumaddu ha doonta Ciriqa arrinkan. Haddii kale waxa ay noqonaysaa tahayna miskiin baa misko la fuulo leh.

 

Ilaa inta ay Somaliland soo bandhigayso cidda rasmi ahaan uga danbaysa dilalkaa faraha badan ee ka dhacay Laa-caanood iyo guud ahaan gobolka Sool anigu ma aaminsanaan doono in ay ka danbeeyay dadka asal ahaan ka yimi koonfur galbeed Soomaaliya, taasi oo lagu heli lahaa xirfad iyo aqoon durugsan oo loo lahaan lahaa qaabka sirdoon ee lagu heli karo arrimahan oo kale marka ay dhacaan. Waxaana xirfadahaa lahaa Cirro Shabeel iyo Daahir Riyaale oo ka wada tirsanaa xukuumaddii UDUB. Intase ay iska hoganayaan Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle) iyo Xerow Xinif oo ay kuwo aan dhaamin sii hiigayaan hay'addihii uu dhisay Ciggaal oo dhamaantood ah kuwa wali ka sii jira, Somaliland oo cid ka danbaysay aanay waxba ku soo darin, marka laga reebo Daahir Riyaale oo hirgaliyay waxayaabihii uu sii dhisay Ciggaal ee aanu cimri ku simin inuu qabto sida doorashooyinkii iyo waxyaabihii kale ee miiska u saarnaa.


Haddaba aan ku soo af-meero maqaalka sheekadan oo laga reebay Shabeel dhashiisii la cunay soona gaadhay goobtii lagu raamsaday dhashiisii isagoo ka werwereegay inuu cid farta ku fiiqo, laakiin si fulaynimo ah u yidhi "Haa waan garanayaa ciddii dhashayddii cuntay oo waa giirro.” isagoo og inuu giirro ka adag yahay oo aanu biyo u kabanayn, haddaba Somaliland xaalkeedda iyo dawladeeddu waa Giiro ayaa cuntay dhashayddii markii ay meela ku sheegi wayday ciddii dilalkan gaysatay. Kamase siisan doonno aniga iyo shicibwaynaha Somaliland in badan oo ka mid ah, waxaanan jecelahay inaan u sheego Hoggaanka ku hagaasay shacabka inay hawl galiyaan Sirdoonka Somaliland, Milatariga, Asluubta iyo Booliska oo meel lagu sheego ciddii dadkaa dilalkoodda ka danbaysa haddii kale Giiro ayaa dhasheenii cuntay.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...