Ila Qosol ... Balwadi waa Baalaayo

0
Saturday October 30, 2021 - 09:58:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ... Balwadi waa Baalaayo

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

 

Laba nin oo reer miyi ahaa oo isku seediyo ahaa, ayaa labaduba cabbi (qiijin) jireen buuriga loo yaqaanno Jamaliga. 

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu kii inantooda la qabey, si xun u hamuumay-buurina wuu waayey . Markaasuu u soo kacay xaggii seedigii oo uu buuriga ku tuhunsanaa, beryihii horana ay kala qaadan jireen!



Haddaba, markii uu seedigii u yimid; ayuu weydiiyey, in uu waxa buuriya hayo. Seedigiina wuxu ugu jawaabey, in uu faraqiisu madhan yahay oo aanu waxba haynin.


Ninkii seediga loo ahaa oo ay xaraaradii buurigu soo ridatey, ayaa seedigii dhawr jeer ku celceliyey; in uu meelahaasi wax ka baadhbaadho.

Ugu danbayntiina, ninkii gabadha qabey oo yaabban, ayaa ugu jawaabey," Waar walaal waxba maanta ma hayo oo anigaba, indhaha ayaa i cas."

Kii kale oo qanci waayey, ayaa ku yidhi, " Waar bal meelahaa guriga iyo ku noqo oo wax innooga baadhbaadh!"


Ninkii inanta qabey, ayaa is yidhi; waa kan oo qanci waaye ugu quus goo oo halka ugu dambaysa u soo qabo. Markaasuu ku yidhi,

" Walaal, waxay xilo intaasi iga yihiin, in aanan waxba haynin!! Gabadha loogu dhaaranayaa, waa walaashii ee garo!

Ninkii walaashii loogu xilofuray ma qancay? Mayee ma qancine, wuxu seedigii ugu jawaabey, " Kaaga qaataye, faraqa i tus!!"


 

"Waxa aad barataa balaayo leh" 

Ee ayay balwadi ku baabiin!!

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]  

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...