Wasaarada Ganacsiga Oo Ku Fashilantay Xakamaynta Qiimaha Shidaalka.

0
Saturday October 30, 2021 - 10:00:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Ganacsiga Oo Ku Fashilantay Xakamaynta Qiimaha Shidaalka.

    Sidoo kale shidaalkii ay xukuumadu sheegtay in ay dalka keenayso ayaan gabi.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale shidaalkii ay xukuumadu sheegtay in ay dalka keenayso ayaan gabi.....



Kor ukaca qiimaha shidaalka ayaa circa isku shareeray guud ahaan Somaliland iyadoo Gabi ahaanba ay beenoobeen wareegtooyinkii wasaarad ganacsiga kazoo saaray qiimaha shidaal.


Sidoo kale shidaalkii ay xukuumadu sheegtay in ay dalka keenayso ayaan gabi ahaanba lahayn halka Shirkadihii shidaalka keeni jiray ay kalawareegtay gacan u haynta haamaha shidaalka ismarkaana ay Burburisay heshiishkii ay la gashay xukumadii axmed siilaanyo ee isla xisbiga talada haya ee kulmiye.



Dadwaynaha ku dhaqan caasimada Somaliland ee hargaysa iyo wadayaash gaadiidka ayaa eedo culus ujeediyay xukuumada oo ay ku eedeeyeen in ay ku fashilantay waxka qabashada kor ukaca shidaal oo sobobay iyo dadka qaar ku shaqaynsan jiray gaadiidku iska dhigaan baabuurtii.


Dhanka kale wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland maxamuud saajin sacad ayaa mudadii uu xilka waaarada ganacsiga hayay gabi ahaanba ku fashilmay hagiga ganacsiga iyo suuqa xorta ah isagoo xidh xidhay ganacsiga ismarkaana noqday masuul dantiisa ka horaysiiya danta qaranka.

Loading...
Loading...