Jadwalka doorashada Somaliland oo labo kursi ka mid ah golaha shacabka oo la shaaciyay

0
Friday October 29, 2021 - 09:36:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jadwalka doorashada Somaliland oo labo kursi ka mid ah golaha shacabka oo la shaaciyay

    Labada Kursi mid kamid ah ayaa waxaa ku fadhiyay ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Kursi mid kamid ah ayaa waxaa ku fadhiyay ......


Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.


Guddiga oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta oo Jimco ah ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay HOP239 iyo HOP237.



Labada Kursi mid kamid ah ayaa waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay HOP239, waxaana u tartamaya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.


Sidoo kale kursiga kale ee Tirsigiisu yahay HOP237 ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige, waxaana Guddiga doorashada Somaliland ay sheegeen in diiwaan-gelinta Musharaxiinta laba kursi lasoo gaba-gabeyn doono maalinta sabtida.


Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, iyagoona Guddiga doorashada tilmaamay inay wadaan diyaar garoow.


Loading...
Loading...