Siyaad Barre Oo Moorgan Ka Waraysanaya Wixii Ka Dambeeyey

0
Friday October 29, 2021 - 09:27:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaad Barre Oo Moorgan Ka Waraysanaya Wixii Ka Dambeeyey

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waa sheeko mala-awaal ah, oo Maxamed Siyaad Barre  ka waraysanayo Janaraal Moorgan waayihii ka dambeeyey. Magaca waxa aan u soo gaabiyey sidan. MSBarre: Maxamed Siyaad Barre.



MSBarre: waar Moorgan ka waran dalkii yo dadkiiba waxa ay ku dambeeyeen?

Moorgan: Jaalle, dalkii guud ahaan wuxuu u qaybsamay waqooyi (Soomaalilaan), oo SNM iyo Isaaq goosteen, dawlad gooni ahn samaysteen. Dhinicii Soomaaliya inteedii kale way sii sarifantay oo shisheeye ay horkacayaan Itoobiya ayaa Fadaraal ka dhigay, oo dawlad-goboleeydo tira badan ayaa samaysmay.


Waxaanay u kala baxeen Majeerteeniya waxa ay la baxeen (Puntland), Mudugtii Hawiyaha iyo Gal-guduudna waxa ay la baxeen (Galmudug), Hiirraan iyo Jowharna waxa ay la baxeen (Hir-shabeele), Gobolkii Banaadir waa gaar, oo Fadaraalka ayaa laga maamulayaa, Raxanweyntii waxa ay la baxeen (Maamulka Koonfur-Galbeed), Mareexaankii  gobolada dhexe wuxuu raacay Hawiye, kii Jubbooyinkuna wuxuu maamul la dhistay Ogaadeen oo waxa ay la baxeen (Jubbaland), oo Ogaadeen ayaa madaxweyne u ah.


MSBarre: Iimaanka laga qaad SNM iyo Isaaq dalka oo barwaaqo ah, ayey xabbad ka doorteen, waxaasi ayey hoosta ku haysteen weligooba. Majeerteena wuxuu doonaayey inuu noqdo keligii-Noole. Taasina ayuu ilaahay ka baryey, waana siduu doonaayey ee aan ka horjoogay. Gobollada-dhexe qaarkoodna xoog ayey wax ku lahaayeen, qaarkoodna heshiis iyo xoolayn. Kismaayo Mareexaankii joogay siduu Ogaadeen madax ugu noqdaa? Ileyn deegaano badan kumay lahayne?


Moorgan: Jaalle Ogaadeenka waxa maanta wata Itoobiya iyo Kiiniya, oo dalka ka taliya. Ogaadeenku maaha kii dhegta keliya kacaanka ku maqli jiray, balse waa mid laga dambeeyo oo aan cidna ka waxba ka dhegaysanayn.

MSBarre: Beelihii kale ee Waqooyi (Soomaalilaan) deganaa maxay yeeleen?


Moorgan: Jaalle, Isaaq ayay ku raaceen inay goostaan oo weliba Beesha Gadabuursi ayaa 8 sannadood madaxweyne ka ahayd Waqooyi(Soomaalilaan).


MSBarre: Iimaanlaawayaasha Isaaq waa lagu yaqaana khiyaamda. Dhulbahante Sayidka iyo Kacaankaba waxa ay ka caawiyeen dhinaca askarinnimada, oo iyaga warkoodu ma dheera.


MSBarre: Halkay ku dambeeyeen Caydiid, C/laahi  Yuusuf iyo Ina Cigaal?

Moorgan: Jaalle Dhammaantood way dhinteen. Caydiid wuxuu ku dhintay dagaallo ka dhexqarxay Hawiyaha dhexdiisa, C/laahi Yuusufna wuxuu madaxweyne ka soo noqday Puntland iyo Soomaaliya, waxaanu dalka Soomaaliya soo geliyey Ciidamo Itoobiyaan ah, oo gacanta ugu dhiga dalka, ciidanka Itoobiyana waxa ay xarun ka dhigteen wasaaradii Gaashandhigga ee uu fadhiyi jiray Cali Samatar, Balse wuxuu dhintay markii uu ka dhammaaday xilkii madaxweynenimo. Ina Cigaal wuxuu madaxweyne ka noqday waqooyi (Soomaalilaan), waxaanu sameeyey maamul kala dambayn leh, balse isaga oo xilka haya ayuu geeriyooday.


MSBarre: Nin bakooro haysaa meel dheer waxba kama arko, wuu ku socday Caydiid inuu gacanta tolkii ku dhimanayo, C/laahi Yuusufna waan ku ogaa inuu daba-dhilif shisheeye yahay, waa kii hore SSDF Itoobiya ugu sameeyey, dalkiina cadow ayuu gacanta u geliyey. Ina Cigaalna qalbigiisa mar kasta waxa ku jiray inuu dalka kala qoqobo, oo Isaaq meel gooni ah u saaro, tiina fursad ayuu u helay.


Moorgan: Jaalle Isaaqii qurbaha u baxay waxa ay dacwad ku furaan kolba ninkii madax ahaa ee ay arkaan, Cali Samatar iyada oo ay dacwadi ku socoto ayuu dhintay, ninkii Tuke isna dacwad ayey ku furaan.


MSBarre: waxaad ku doodaan waajiib dawladeed ayaanu gudanaynay, dacwadana la kaashada Majeerteen, waayo Isaaq waa jin, Majeerteena waa jin arag. Iyagaana Isaaq fahmaya. Tolkaa iyo kabtaadaba waa lagu dhex jiraa.


MSBarre: ka warran cadowgii Itoobiya, iyo waxa ay ku dambeeyeen?

Moorgan: Jaalle Itoobiya waxa qabsaday jabhadii EPRDF ee Tigreega, ninkii Mingiste wuxuu magangeliya ugu nool yahay dalka Simbabwe. Nimanka Tigreena waxa la shaqaynayey reer Galbeedka, oo ciidan iyo sirdoon xoogan ayaa loo dhisay.


MSBarre: Nin waaalan ayuu guri ku gubtay, markaasuu yidhi isagoo faraxsan yidhi waa  sidaan rabay. Baga dheh, waa kii jabhadii qudhmista (SNM) hoosta ku haystaye, isagana jabhadi ha ka qaado kursiga. Wuxuu moodayey inuu iga dambaynayo. Isagiina jabhadi ma galaafatay, wixii u sameeyey ayaa la go’day.


MSBarre: haatan yaa madaxweyne ka ah Soomaaliya?

Moorgan: Jaalle madaxweyne-goboleedyo ayaa ka jira intii aan hore ugu sheegay, laakiin Muqdisho waxa fadhiya dawlad lagu sheegay Fadaraal, oo nin la yidhaa Maxamed Farmaajo oo aad adeer u tahay (Mareexaan) Madaxweyne ka yahay, oo ciidamado shisheeyo oo Afrikaan ahi ku ilaaliyaan madaxtooyada. Waxaana joogto uga dhaca dagaallo iyo qaraxyo ay sameeyaan kooxo wadaaddo ah oo ka soo tafiirmay ururkii Al-Itixaad ee aynu dalka ka mamnuucnay. Dhinaca waqooyi (Soomaalilaan) waxa madaxweyne ka ah Korneyl Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsanaa ciidankii cirka,


hasayeeshee markii dambe qudhmista (SNM) ku biiray, waxaanu beddelay Siillaanyo oo ahaa hogaamiyihii qudhmista (SNM).


MSBarre: Haa, wallee wax nidaam ahi igama dambayn, waa intay doonaayeen iimaanka laga qaad, waanay heleen. Iga daa warkooda balaayo ku dhacday.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...