Boqolkii Maalmood ee u Horeeyey Muddo-xileedkooda Waxay Muujiyeen U-heelannaanta Waxqabadka ay ku Talo Jiraan
Dunidu maanta way iska warhaysaa, wax bay kala
qaadataa, balse waxtarka iyo waxyeelada waxa la kala qaataa waxay hadba ku
xidhan yihiin qaabka loogu dhaqmo, loo isticmaalo iyo dhaqanka ummadda qaatay
siday u tixgeliso.
23-ka degmo Doorasho
ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay Boqolkii maalmood ee ugu horreeyey
muddo-xileedkooda la yimaadeen hawlo
muujinaya midnimada, dedaalkooda iyo u heellannaanta waxqabad ee ay ku talo
jiraan.
Waa Ilaahay mahaddii
haddii ay boqolkii maalmood ay Jamhuuriyadda Somaliland ay ka dhigeen kuwo ka
duwan, kuwa dalkii ku dhaqanka fikradda Boqolka maalmood ee ugu horreeyey
curiyey iyo qaabka ay ugu dhaqmaan.
Boqolka maalmood ee
la xisaabtanka waxqabad dalka fikradan lahaa, wuxuu ku kooban yahay
Madaxweynaha oo kaliya. Hase ahaatee Maayirrada iyo Goleyaasha Deegaanka ee
Jamhuuriyadda Somaliland qaabka ay u dhaqmeen waxay muujinayaan in
Xildhibaannadu diyaar u yihiin in deegaankii laga soo doortay ay wax u qabtaan.
Kulankii ugu
horreeyey ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo
Maayirrada dalku yeesheen, wuxuu ahaa mid ay isku afgarteen in wada-jir iyo
midnimo ay dalka ugu shaqeeyaan.
Maayirradii kulankaas
ka hadlay waxay bogaadiyeen qabashadii doorashadii isku sidkanayd iyo qaabka
Madaxweynuhu uu dhallinyarada wax ugu qabanayo, una dhiirigelinayo oo
mudnaanteeda leh.
Madaxweyne Muuse
Biixi dhammaadkii kulankaa waxa uu ereyo dhiirigelin ah iyo hoggo-tusaaleyn ah
u jeediyey Maayirrada oo u badan dhallinyaro, hadalkiisiina waxa ka mid ahaa
"In isbeddel iyo horumar looga baahan yahay in dhalinyarradu sameyso, maadaama
taariikhdu ay ina barayso in aan dal horumarin amaba isbeddel samayn dhallinyaro
aanay udub-dhaxaad u ahayn.”
Madaxweynuhu wuxuu
Maayirrada xasuusiyey in duruufo adagi ay ku xeeran yihiin, deegaannadoodana ay
masuul uga yihiin dawladda dhexe, isla markaana ay Xukuumaddu diyaar u tahay in
wixii suurtogal ah oo dhan ay la qaban doonto.
Kulanka labada
dhinac, waxa nooga muuqda in Boqolkii maalmood ee Jamhuuriyadda Somaliland ee
sannadkani ka duwan yahay Boqolka maalmood ee dalka fikradan la xisaabtanka
lahaa. Boqolkeenu wuxuu ku dhisnaa midnimo iyo wax-qabad, ka kalena waxa
hadheeya iska hor imaad iyo is curyaamin axsaabtooda siyaasadeed.
Waxaan leeyahay
geeddigu wuu dheer yahay, wuu duruufo adag yahay, tallaabadii ugu horreysay
baad qaadeen, isbeddel iyo horumar ballaadhan ayaa la idinka filayaa. Sidaas
darteed, waa in la iska ilaaliyaa, lagana feejignaadaa cadowga dibadda iyo
danaystayaasha.
Waa in aad diiradda saartaan in 1,700 (kun iyo toddoba boqol) oo maalmood in ka badani muddo xileedkiina idin sugayso. Muddadaas oo la filayo in hawlo badan oo qorshaysan aad qabataan. Idiinkama baqayo in aad noqotaan kuwo ku sifooba maahmaahdii ahayd "DARAN-DOORIYAA NAAS-NAASI” Maadaama aad tihiin dhallinyaro u dhaartay inay dalkooda wax u qabtaan. Ku sii wada hawshan xawliga aad boqolka maalmood ee ugu horreysay ku qabateen, Ilaaliyana danaha guud ee dalka.
By; Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!