"Maxamuud Xaashi Maaha Siyaasi Uu kulmiye Ka Maarmi Karo" Xildhi. Maxamed Abiib
Hargaysa(HWN) Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aan xisbiga KULMIYE kamaarmi Karin siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo xisbiga kulmiye shaaciyay in uu ka saaray xubin nimadii xisbiga kulmiye.
Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in aanay siyaasada meelna kaga jirin in qof laga saaro xibiigsa, xildhibaanka ayaa sidaasi ku seegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-
"Xisbinimada iyo
siyaasada meelna kama soo gasho in xisbiyada la iska saaro waayo marka horaba
waxa lagu wada joogaa isfahan iyo aragti wiixii lagu kala Ra,ayi duwanaadana
waxa lagu dhamaystaa Dood iyo madalo furan iyadoo loo danaynayo wadajirka
xisbiga. Maraykanka intaas oo jeer ayay dhacday siyaasi ka horyimaad xisbigiisa
aragtida uu wado hadana cidna kama saarto waxa kamid aha dadka sidan sameeyay
Koolin baawal oo si furan u taageeray Obama
sobobtana waa hadii maanta lakala argti duwan yahay bari ayaa la midoobi karaa oo la isku baahan yahay maadama cod la isku muquuninayo.
Markaan eegno bandhigyada Xaashi ee la dawaday Doorashadii Madaxtooyada 2017, doorshadii mudanayaasha wakiilada ee may iyo midii doorshada shirgudoonka maaha siyaasi uu ka maarmi karo xisbigii uu kamidka ahaa.
waayo wuxuu hogaamiyaa Awood iyo shax siyasadeed oo uu guul ku gaadhsiin karo xisbiga uu lajiro sidoo kalana hasiimo ku noqon karta midka uu kasoo horjeesto.
Nasiib wacan ayan u rajaynaya maxamuud.
Danayso Adoo lahaa, Marbaad Dacar Qooshataayood, Dhunkaal ku Durduurataa”