"Qofka doonaya in Ilaahay SW arsaaqada u balaadhiyo, cimrigana u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi

0
Thursday October 28, 2021 - 19:18:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qofka doonaya in Ilaahay SW arsaaqada u balaadhiyo, cimrigana u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi

    waa xadiis" Sh Maxamed Sh Cumar Dirir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa xadiis" Sh Maxamed Sh Cumar Dirir


Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa kula dardaarmay bulshada in qof kastoo doonaya inuu Ilaahay SW arsaaqada u badiyo una balaadhiyo, oo cimriga u dheereeyow, qaraabadaada xidhiidhi, sida Nebigu CSW xadiis inoogu sheegay


Khudbadii Jimcaha maanta oo Sh Dirir kaga hadlay qodobadda lagu kasbado xalaasha ayaa hadalkiisa ku bilaabay, marka aynu arrin ka hadlayno waa caam, cid gaar ah looma jeedo, laakiin qofkii xeynaadkaa isku arka waa inuu ku dedaalo ka fogaanshaheeda.



Sheekh Maxamed ayaa sheegay in mowduuca khudabdu ku saabsna tahay xalaasha iyo sida loo kasbado, khudbadii hore waxay ku saabsanayd sida xaaraanta la isaga ilaaliyo ee dadkii hore wanaagsanaa xalaasha u raadsan jireen, iyo in qofku aanu han yaraan, oo isagoo xalaal heli kara, aanu xaraan ku dhicin, waxaanu yidhi,


"Khudbadeenu waxay la xidhiidhaa dariiqooyin qof kastoo mara xalaasha iyo maal barakaysan ku kasban karto. Wa aarrin kulminaysa qofka aduunyo doonaya iyo qofka aakhiro doonaya, labadaba.


Sheekh Maxamed oo sii faahfaahinayey mowduuca khudbada ayaa sheegay in asbaabaha risqiga lagu raadsado yihiin laba nooc, sababo muuqda iyo kuwo qarsoon, waxaanu yidhi,


"Sababaha muuqda cid walba way taqaanaa, inuu ganacsi samaysto, inuu beero qoto, inuu xirfad uu ku shaqeysto barto. Sababaha qarsoon dadku ma wada yaqaano, qofkii Ilaahay SW waafajiyo ayaa og ee diintiisa ku camal falaya, kuna dhaqmaya. Ilaahay SW waxuu ballanqaaday in arsaaqda sababahaa lagu raadsado la helayo.


Asbaabaha lagu heli karo maal badan oo barakaysan waxa ka mid ah inuu qofku istiqfaarta (Dembi-dhaafka) badsado. Nebi Nuux CS ayuu Ilaahay SW ka waramayaa oo qoomkiisa waaninaya, una tilmaamaya sidii ay maal barakaysan u raadsan lahaayeen, oo ku yidhi qoomkiisa "Ilaahay SW dembi-dhaaf weydiista, waxuu idin siin doona roob aad u badan, xoolo, wiilal, beero,” aayada Ilaahay SW waxay tilmaamaysa inuu xoolo badan (amwaal) siinayo.


Sheekh Maxamed ayaa sheegay in asbaabaha arsaaqda lagu helo ka mid tahay taqwada, Alle SW ka cabsiga, taqwadu waa in adoomadu Ilaahay SW ka cabsadaan, sida quraanku inoo sheegayo, "Qofka Ilaahay SW ka cabsada, faraj ayuu uga samaynayaa waxii ku adkaada, meel aanu ka filayna, arsaaqad ayuu ka siiyaa. Sidoo kale Ilaahay SW waxuu aayad kale inoogu sheegay "Dadka aduunyada ku nool hadday Ilaahay SW ka cabsadaan cir iyo dhul waxaan uga soo furi lahaa barakaat.”


Asbaabaha kale lagu helo arsaaqad barakaysan waxa ka mid ah in Ilaahay SW la tallo saarto, tawakalku waa in adoonku Ilaahay SW talo saartaan oo arrimahooda u dhiibto. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay aayad "Qofkii talo saarta, Ilaahay SW wuu ku filan yahay,”


Nebi Maxamed NNKH waxuu yidhi, "Hadaad Ilaahay SW talo saaran lahaydeen, talo saarasho dhab ah, waxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbirta u irsaaqo, ee subaxii u wada kalahaan, galabtiina soo noqdaan iyagoo wada dheregsan”


Waxa ka mid ah asbaabaha inaad cibaadada Ilaahay SW qofku u far-baxo oo markuu gudanayo aanu qalbigiisu meel kale jirin, balse uu u soo jeedo cibaadada. Xadiisal-qudsi saxeex ah waxuu Nebigu SCW ku yidhi, Ilaahay SW waxuu yidhi "Inna bani’aadam cibaadadayda u soo jeeso oo u far-bax markaad I caabudayso, Qalbigaaga Qanninnimo ayaan ka buuxinayaa, faqrigaagana waan oodi doonaa.. riwaayad kale waxay sheegaysaa, gacmahaaga arsaaqad ayaan ka buuxin doonaa. 

Hadaad sidaa diidana qalbigaaga mashquul ayaan ka buuxin doona, faqrigaagana wuu kugu soo butaaci.”

Waxa ka mid ah inuu qofku Xajka iyo cumrada badsado haduu awood u leeyahay oo asbaabaha badiya arsaaqada ka mid ah. Nebiguna CSW sidaa ayuu xadiis saxeex ah inoogu sheegay, "Xajka iyo cumrada badsada qofkii awooda, sannad walba ha wado, waxay meesha ka saaraan oo ka reebaan qofka dembiga & faqriga, sida buuxinta dabku uga saarto qashinka”


Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo xidhiidhinta qaraabadda, sida Nebigu CSW ku xusay xadiiskii Bukhaari ku jiray "Qofka doonaya in arsaaqada loo badiyo loona balaadhiyo, oo cimriga loo dheereeyo, qaraabadiisa ha xidhiidhiyo.” 

Qaraabada waynu naqaanaa meelaha ay ka timaado. Dadka qaar ayaa isweydiinaya cimrigu wuu qornaa, side loo badinayaa? Laba siyaabood-ba, mid waa barako, waxa badan waxa barakada leh ayaa ka muhiimsan, oo Ilaahay SW ayaa u barakaynaya, midna waa inay hore ugu qornayd hadu qaraabada xidhiidhiyo inuu cimrigu u kordhayo, Ilaahay SW waxuu yidhi "Ilaahay SW waxuu doono wuu sugaa, waxuu doonana wuu tiraa, kitaabkuna agtiisa ayuu yaalaa”


Waxa ka mid ah asbaabaha arsaaqad barakaysan lagu helo in meelaha kheyrka ah wax lagu bixiyo, taasoo qofku qanni ku noqon karo, maal barakaysan ku heli karo. Sida Ilaahay SW inoogu sheegay quraanka "Wax alaale waxii aad bixisaan, annigaa bedelkeeda idiin keenaya-weliba bedelku wuu ka badan yahay”


Xadiis Muslim ee Abu Hureyra werinayo waxuu Nebigu NNKH yidhi, xadii-qudsi waxuu Ilaahay SW ku yidhi "Ibna Bani’aadamow bixi, anniguna waan ku siin”


Xadiis Bukhaari waxuu tilmaamayey in labo malag maalin walba duco iyo habaar u taagan yihiin, mid odhanayo Ilaahow qofkii wax bixiya bedel sii, ka aan bixinna ku habaarayo Ilaahow ka qaad”


Xadiis saxeex Muslim ku sugnaa nin ayaa maqlay daruur laga dhex hadlayo ‘beerta hebel waraabi’ beeraha kale maaha, way iska ba’ayaan, laakiin beertan ayaa bixi doonta. Daruurtii beer keliya ayey ku da’day, nin dhextaagnaa ayuu wareystay, maxaad samaysaa? Markaa ayuu ninkii beerta lahaa ugu jawaabay ‘beerta waxii ka soo baxa saddex meelood ayaan u qeybiyaa, meel dib ayaan beerta ugu celiyaa, meelna waan sadaqeystaa, meelna maasriif ayaan ka dhigtaa.”

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...