Talooyin idin anfici kara mustaqbalka danbe

0
Thursday October 28, 2021 - 14:13:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talooyin idin anfici kara mustaqbalka danbe

    Diinta baro oo tafsiirka Quraanka sii baro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diinta baro oo tafsiirka Quraanka sii baro


1.Akhriskaagu ha badnaado; wixii aad akhrisid ha iska wada liqin e, saa miro daray ma ahee, iska hubi in uu dixri ku hoos jiro.


2. Saddex yarayso: hadalka, hunguriga iyo hurdada.



3. Waqtigaaga, suu doono ha u koobnaadee, wax taranso oo aqoon taranso.


4. Dadka wax ha weydiisan, haddii ay wax ku weydiistaanna sii, saa baryo badan la isku nici og e!


5. Baahiyahaaga Alle u sheego, Isaga ayaan kugu la yaabayn, oo aadanaha ka qarso.


6. Waan baahanahay baqti ha u cunin.


7. Adkayso oo dulqaado. Kaadsiimo yeelo oo degdegga iska dhaaf! ("Hadday DEGDEGSIINYO door dhali lahayd, KAADSIIYANA kiish lacag ah bay dhali lahayd!").


9. Ballamaha ilaali. Ballan aadan ka soo bixi karin ha galin.


10. Dayn ha qaadan, haddaad qaadanayso se yarayso.


11. Dadka cafi oo saamax, Alle dartiis.


12. Sirahaaga ilaasho, siraha dadkana ilaali.


13. Caafimaadkaaga ka warqab oo biyo badan cab, tufaaxana isla ogow. Dufanka yarayso oo jimicsi samee.


14. Nadaafadda oogadaada iyo midda dharkaagaba xil iska saar. Arradi dhib ma leh uskag baa se daran!


15. Qaraabada xiriiri.


16. Dadka tabaalaysan u naxariiso, si uu Alle kuugu naxariisto.


17. Haddaadan guur u diyaar ahayn iska daa shukaansiga.


18. Diinta baro oo tafsiirka Quraanka sii baro.


19. Araggaagu waa qaali ee iftiinka (aaladaha) yarayso.


20. Afkaaga Hooyo baro oo naxwihiisa, sarfigiisa iyo suugaantiisaba baro. Sababta oo ah, inta aad Afkaaga Hooyo ka taqaanid baad afafka kalana ka barataa!


21. Dadka ha afaaraysan, in ay ku afaaraystaanna ha ka yeelin.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...