Markii labaad oo Sudaan Af-gambi ka dhacay "

0
Wednesday October 27, 2021 - 09:01:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii labaad oo Sudaan Af-gambi ka dhacay "

    W/Q: Abokor Mohamud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abokor Mohamud

 Waxa arooryadii Saaka hore Ciidamadda Sudan iyo Hogaankooda qab-qabteen ,Wasiirka Koobaad iyo dhowr Wasiirka oo la la mawqif ahaa . Sidda wararku tibaaxewn waxa lagu xidhay Guriyahooda oo ah Xarunta Dawlada, waxa raac in wadooyinka Ciidamo badan la wareegeen ee Caasimadda halka Sudan Television ka soconayaan Heesaha Wadanigga ah . Waxa dhamaan , khadka laga saaray wada-hadal telephone iyo fariin isu-diridda ,hasa yeeshe ururkii dhaakhtiir ee ka danbeyey in Cumar al Bashiir xilka lagga qaado iyo Mudaaharadyadii xooga badan soo gaba-gabeeyey Xukunkiisa ayaa gaadacay , talabadda Ciidmadu qaadeen ,Saaka markaan ku xidh-xidheen Wasiirka Kobaad iyo wasiirada kale la socda kuwaas oo ahaa dhinac dawlad ra,yid ah iyagoo ururka Dhakhatir Sudan ummadda ugu baaqay inay si la mid ah tii hore ay ugu guuleysteen inay isa soo tubaan dariiqyada iyo wadooyinka halbowla ah ee Khartuum iyo magaalooyinka kale sudaan.

 

 Si kasta ahaate waxa bilihi ugu danbeyey khilaaf iyo wada shaqeyn la,aan ka dhex jiray qayba dawladu ka kooban tabay ee dhinac Ciidmada iyo qaybta ra-yid ka ahaa oo uu Xamdoog hogaaminayey . Dhacdooyin goos goos ah ayaa jiray bilah ugu iyo ayaamahanba oo ay ka mid ahayeen in mar inqilaab- lagga hor-tegay dhivi gaadhay iyo Mudahaaradyo kii ugu danbeeyey dhacay khamiistii hore. Si kasta ba ahaate waxa la hayey sadaasha ah inaaney isla jaan-qaadi karin labbada garab ee dawlad sudaan lagu soo dhisay waxayna aheyd mid hore tuhun-keeda loo qabay gaar ahaan dhinac Ciidmadu ma ay dooneyn inay dawlad qayb-ka noqdaan xulufo rayid ah oo aan ciidmadda qayb ka aheyn halkaas oo uu dheeligu ka yimi iyo arimaha ka mid yihiin in Maxkamada EU ee tacadiyada iyo xadgudubyada aadama loo gudbiyo Cumaf Al bashiir iyo arinkii cilaaqaadka in Sudaan la yeelato Israel ayaa ugu cuslaa arimaha maandhaafka kenay. Waxa hadda la eegay talabbad Ciidnadu qadaan ee xigta ta ay hadda qaadeen oyo sidda afrika ,adduunkuba ugga dareen celiyaan .

 

Su,aasha ? la isweydiinayo ayaa ah Sudaan ma noqdonta dalka labaad ee qalalse siyaasadeed ka bilowda ee Geeska ah ? Aad ayaa looga baqdin qabba in xaladda sudaan la mid noqoto ta hadda ka jirta Itoobiya taas oo halis amaan-darro weyn ku aha mandaqadda Geeska iyo amaankiisa oo awilba hooseyey .

 

    Abokor Mohamud 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...