Jeneraalada Suudaan waxay rabaan rayid ay maamuli karaan

0
Wednesday October 27, 2021 - 08:48:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraalada Suudaan waxay rabaan rayid ay maamuli karaan

    Ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku danbeeyeen Ra'iisul Wasaare Abdalla Hamdok

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku danbeeyeen Ra'iisul Wasaare Abdalla Hamdok



Hubanti la’aan siyaasadeed ayaa weli ka taagan Suudaan in ka badan 24 saac kadib markii ay ciidamadu afgambiyeen dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee dalkaas oo ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah.


Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa weli ku sii qulqulaya magaalada Khartoum, kuwaas oo dalbanaya in jeneraalada ay awoodda ku wareejiyaan rayidka.



Ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku danbeeyeen Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok iyo madaxdii kale ee rayidka ahayd ee ay xabsiga u taxaabeen ciidamada dowladdu.


Isagoo ka soo muuqday Euronews World, weriyaha Afrikanews Ronald Kato ayaa sheegay in jeneraalada ciidamada ay muddo dheer quudhsi ku hayeen xubnaha rayidka ah ee maamulka ku meel gaarka ah oo ay sugayaan kaliya waqti ku habboon si ay uga takhalusaan.


"Inqilaabku wuxuu dhacay maanta sababtoo ah shuruuduhu way ku wanaagsanaayeen…laakin mar walba waxay ahayd arrin waqti lala sugayo,” ayuu yiri Kato.


Loading...
Loading...