Madaxweyne Biixi Waa Murashax Teeramkiisa Labaad

0
Wednesday October 27, 2021 - 08:42:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Waa Murashax Teeramkiisa Labaad

    W/Q Dhimbiil Mohamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Dhimbiil Mohamed

Waxa aan shaki igaga jirin in madaxweynuhu uu rabo in uu u ordo kursiga madaxweynaha mar labaad , waxaana aan anigu shaqsiyan ishaaradaasi qaatay maalintii uu ka hadlayey degmada Agabar oo uu wax badan daaha ka fayday , walow dhinacyo kale loo fasiray ;

 

Goobtu waxa ay ahayd goob taariikh iyo tilmaan weyn ku leh deegaanada uu madaxweynuhu ka soo jeedo , dadka meeshaasi isugu tageynay waxa ay qayb laxaax leh ka ahaayeen dadkii codkooga , cududooda iyo cuudkoogiiba isugu daray madaxweynaha shuruud la’aan .

 

Dareenkaasi oo jira ayuu madaxweynuhu ka fekeray in aanu u abaalgudi karayn , wax uu ku faano oo uu u qabtayna aanay jirin , filashada xukuumadiisa ee gaar ahaan Gobolka degmadaasi ka mid tahayna uu ahaa wax weyn ayaa madaxweynuhu wuxuu yidhi hadal sarbeeb ahaa oo ah ;

 

” Sadex sanadood waxa aan ku mashquulsanaa qoladii aynu ka badinay iyo xanaftii doorashada ka dhalatay ” waxaa halkaasi iiga soo baxday wax badan oo la iga filayey na ma qaban karayo , wax badana oo ii qorsheysnaana wakhtigii baa igaga lumay dhacdooyinkii doorashadii 2017kii ka dambeeyay, halkaasi waxa ka muuqata saluug in mudo xileedkiisii kala dhantaalmay.

 

Haddaba waxa cad in uu mar kale u taagan yahay madaxweynaha , sidoo kale wax ka go’an in uu doorashooyinka xiligooda kuwada qabto sida iiga muuqata , laakiin dadku waxa ay isweydiinayaan tolow yaa u codeyn doona doorkan maadaama oo dadkii hore ee taageerayna aanu wanaajin ?

 

Waxa ay ila tahay in uu doorkan codka ku raadsan doono ;

 

1- Maadaama oo uu Madaxweyne yahay in  wax badani uga sahlanaan doonaan maalintii aanu talada gacanta ku hayn.

 

2- Inta uu joogey oo uu isku arko in uu sameeyay wax wanaagsan oo dawladnimadu u baahnayd inta itaalkii ahna uu dalka ku mitiday.

 

3- Doorashooyinkii uu qabtay iyo kuwa soo socda oo uu ku helayo sumcad wanaagsan oo aduunka iyo gudahaba ah .

 

4- iyo 40 sanadood oo uu dadkan soo dhex joogey oo u ah khibrad iyo xirfad gaar ah oo marka uu soo diyaar garoobo uu wax ku heli karo.

 

Adigu Maxaad is leedahay?

W/Q Dhimbiil Mohamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...