Manchester United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Gudubtay Rubuc Dhammaadka Champions League-ga

0
Thursday March 07, 2019 - 09:08:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Gudubtay Rubuc Dhammaadka Champions League-ga

    Manchester United ayaa guul taariikhi ah ka gaartay Paris Saint-Germain ka dib markii ay kooxdaasi Faransiiska ah ka reebtay horyaalka Yurub ee Champions League-ga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa guul taariikhi ah ka gaartay Paris Saint-Germain ka dib markii ay kooxdaasi Faransiiska ah ka reebtay horyaalka Yurub ee Champions League-ga. Paris Saint-Germain (PSG) ayaalugtii hore ee lagu dheelay Old Trafford waxa ay ku soo badisay 2-0, waxaana ciyaarta caawa la saadaalinayay inay si sahal ah ugu badin doonto Manchester.


Romelu Lukaku oo weerarka uga ciyaara Man United ayaa dowr weyn ka qaatay guusha kooxdiisa waxaana uu dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool ee ay ku badisay.

Goolka guusha waxaa United u dhaliyay Marcus Rashford oo ciyaartoo dhammaad ah rogoore u dhaliyay kooxdiisa.



Khubarada kubadda cagta ayaa saadaalinaya in guushan ay muhiimad gaar ah u leedahay tababaraha kumeelgaarka ah ee Man United, Ole Gunnar Solskjaer ayna u badan tahay in si buuxda loogu magacaabo macallinka kooxdaasi.


Manchester United, FC Porto, Ajax iyo Tottenham ayaa u gudbay wareegga rubuc dhammaadka, waxaana meesha ka baxay Real Madrid, Borussia Dortmund, Roma iyo PSG oo ahaa kooxaha loo badinayay inay u gudbi doonaan wareeggan.


Tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ayaa xiisa gaar ah leh maadaama inta badan kooxihii waaweynaa ay hareen.


Soures: BBC

Loading...
Loading...