Dhaqanku Gujo Iyo Gaf Ma Gayo .

0
Monday October 25, 2021 - 16:47:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqanku Gujo Iyo Gaf Ma Gayo .

    W/Q: Mohamed H Muse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed H Muse

Suldaan Xassan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Garaad Boon Garaad Askar. Waa Suldaanka guud ee beelaha dega Saddexda dal ee Ethiopia ,  Somaliland iyo Jabuuti .( Habar  Awal )



Saldanada uu cumaamaddeeda sidaa waa Saldanad le taariikh facwayn, oo caan ka  ah si wayn looga yaqaan gayiga Somalida oo dhan. Xushmad, karaamo iyo qadarinna ku dhex leh ummada Somalida ah ee geeska afrika iyo dunida daafaheedaba ku nool.


Haddaba qof kasta oo gaf iyo faragalin kula kaca Suldaan Xassan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal , waxa uu gaf iyo ihaano u gaystay ummada intaa leeg ee uu matalo Suldaanku.  Waxaanay jawaab iyo gar-bax ka sugayaan, oy la xisbaatami doonaan qof kasta oo arrintaa qayb ka ah. 


Saldanadu maaha kursi qof magacaabis lagu geeyay oo qofkii la doono lagu badali karo. Nidaamkasta oo faragaliya arrimaha dhaqanka ee ummadi leedahayna wuu eedaa,  Tusaale meel fog haka eegin Cabdi Iley oo damcay in uu  samaysto Salaadiin gacan ku samaysa ,  wuxuu ka dheefay ceeb iyo cidhib xumo meel xun ka tuurtay.


Mohamed H Muse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...