Xukunkii Kacaanka! Macaan & Qadhaadh!

0
Sunday October 24, 2021 - 11:28:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukunkii Kacaanka! Macaan & Qadhaadh!

    WQ: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Axmed-Assad M. Awaare

"waxaan ahay macaan & qadhaadh meel ku wada yaale....malaa'iigta naartiyo janadu waygu murantaaye!"

 

Waxaan arkay qoraalo iyo video-yo badan oo loogu miliilicaayo Kacaanka waxqabadkiisii. Run ahaantiina arintaa aad ulaamaan yaabin, waayo halaaggii ka dambeeyay uun baa lagu cabirayaa oo isaga xalay-dhalay u ekeysiiyay!

 

Nin aanu saaxiib nahay oo aanu caruurnimadii isku iskuul ahayn, iminkana jaamici ahi, wuxuu igu yidhi, "maadaama aan curyaan ahay, waxaan qiyaasayaa inaan tuulo hebla kabaha ku toli lahaa hadaanu kacaankii dhalan lahayn".

 

Kacaanku wanaag badan iyo ceebbo badanba wuu lahaa. Waxaan-na ku malkeeday gabaygii Qaasin ee uu meeriskani ku jiray, "waxaan ahay macaan & qadhaadh meel ku wada yaale....malaa'iigta naartiyo janadu waygu murantaaye!"

 

 Waxaa markuu Kacaanku dhashay wax akhrin jiray 5%, laakiin 6 sanno kadib, UNICEF waxay tidhi 75% baa wax akhriyi kara, Kacaankuse wuxuu ku doodayay in 90% ay tahay tirada saxda ah ee wax akhriyi kartaa!

 

Dhinaca kale, qof qoyskayga ka mid ah oonan ogolaansho ka haysan inaan magaceeda sheego, ayaa ii xaqiijisay inay mayd haweenay ah oo madfac ku dhacay soo ag martay iyadoo caga-cad oo cagaagan, kadibna ay hore uga sii gashatay kabo dacas ahaa oo maydkaa ag yaalay! Tanina waxay ku tusaysaa silicii iyo baba'ii foosha xumaa ee uu aakhirkii Kacaanku inagu sii sagootiyay!.

 

Dhanka kale, Maagaziinkii dalxiiska waxaan 1990 ka akhriyay magacyada warshadahii dalka oo ka badnaa 120 iyo waliba mid waliba halkay ku taalay iyo waxay farsamayn jirtay. Waan aqaanay kuwii caanka ahaa ee Berbera, Laasqoray, Jawhar, Muqdisho, Mareeray & Kismaayo. Laakiin, waxaa aad ii isoo jiitay, Wershada rasaasta ee Mahadaay, Wershada bacda & kartoonka ee Jamaame, Wershada taandhooyinka ee Hablas IWM!

 

Dhinaca kalena, Cabdiweli F. Qambi mar uu ka sheekanayay rafaadkii uu kala kulmay xabsigii Labaatan Jirrow oo Baydhaba 20km u jirray, qalbiga ayaa ku xanuunaya markaad dhegeysato silicii lagu mudan jiray xabsiyadii Kacaanka! Maanu sheegin in jidh-dil toos ah isaga loo geysan jiray, laakiin wuxuu aad uga cawday jinac ama dhuxun-kureeb uu sheegay in markuu muuqiisa arko ilaa hadda ay kaadidu kasoo qubato! 7 sanno wuxuu u xidhnaa gabay uu tiriyay oo ay ka mid ahaayeen:

 

"Ninkii kibirka kugu feeri jiray faras haaduu jiirro, oo fiiro gaariyo adiga ficilo kaa doonno, feeraha hadii uu ka jabbo waad ku faraxdaaye, waakaa sida falaaraha galbeeed foodda sii dhigaye, fiirshaay wakaa macalinkii fooraroo dhiciye". Intaa ayuu Xeer-Illaaliye xigeenkii hore ee qaranku ku mutaystay xabsi dheer oo bilaa maxkamad ah!

 

Dhanka kale, waxaa bulaalay dadkii la haybsooci jiray oo cadaalad iyo sinaan helay. Darajada Madaxweynuhu waxay ahayd Sareeye Gaas, laakiin Maxamed Cali Samatar baa isaga dhaafay xagga derejada oo noqday Sareeye Guud. Marna ahaa Ra'iisal Wasaare & Madaxwene xigeenkii koowaad ahaana Wasiirkii Gaashaandhigga oo aan dhicin! Waxaa kaloo aad loo hormariyay xaquuda haweenka, ilaa markii dambe Kacaanku uuba si ka badbadis ah ugu xadgudbay xuduudihii Illaahay uu Qur'aankiisa kariimka ah inoogu sheegay sida aayadaha dhaxalka, waloow markii dambe ee dadweynhu kacay arinkaa dib looga noqday! Arinkan dartii waxaa loo toogtay 10 culimadda Suufiyada ka mid ahaa oo masaajida ka cambaareeyay xad-gudubka Kacaanku u geystay dhaxalka ee ku cad Suuratul Nisaa.

 

Qormadan kooban ciddi jabkeed kagama sheegi karo ama tusaale waafi ah kagama bogan karro dhibtii iyo dheeftii lagga dhaxlay Kacaanka!Haseyeeshee, hadaan wax yar dib u jaleeco hadimooyinkii & horumarkii Kacaanka waxaa igu soo maaxda ereyadii Abwaan Qaasim ee ahaa, "Marbaan ahay muddeec camalsan oon maagista aqoone,

Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye."

 

Dad badan baa ku doodda in jabhadihii Mingiste soo abaabulay ee uu kaga aar goosanayay taageeradii milateri iyo tii dhaqaale ay Soomaaliya siin jirray jabhadihii gobanimo doonka xoraynta Soomaali Galbeeed, Aboow(Oromada), Tigree iyo Eritrea

ay hoogga & halaaga inoo horseedeen, Kacaankuna uu difaacayay uun qaranimadda iyo midnimada dalka, markay jabhaduhu xukunkii ka tuureena la hoogay oo cawska la wada cunay!

 

Laakiin, anigu fikirkaa kuma abokorsani! Waayo, tusaale hadday shirkaddi faa'iido badan soo hoyso waxaa madaxa ugu sareeye ee shirkada (CEO) lagu abaal mariyaa baqshiish (bonus) aad u badan, hadayse shirkadu khasaarto shaqada ayaa laga caydhiyaa! Markaa, hadduu Kacaanku tahli kari waayay inuu abuuro jawi ay jabhaduhu kaga maarmaan inay soo raacaan Mingiste, dhibtii dhacday badhkiisa ayuu ku lahaa. Waana halka reer barigu ka yidhaahdaan, kaluunku madaxuu ka qudhmaa, taasina eedda gilgilasho kaga reebi mayso.

 

Gabagabadii, Kacaanku wax badan wuu qabtay, wax badana wuu haleeyay oo wuxuuba ahaa nidaam kelidii-talis ah! Inay wadanka jabhado beeleedyo dagaal sokeeye ka ridaaana waxaa masuuliyadeeda kowaad qaadanaya isla Kacaankii, waayo wuxuu ku guuldaraystay inuu keeno qorshe iyo garasho saraysa oo looga baaqsan karay colaad iyo burbur baahsan oo 30 sanadood la xakamayn kari waayay! Nidaamkaasi, wuxuu iska daawanayay gurigii aynu degenayn oo derbigiisii dilaacyo waaweyn yeeshay, wuxuuna xitaa garan kari waayay intaanu kugu soo dumin dalkaaga iyo dadkaaga badbaadso oo guriga ka diga-roggo!

 

Naqtiin!

 

WQ: Axmed-Assad M. Awaare

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...