Waa Kuma Musharaxa Noqondoona Madaxweynaha Somaliland Ee Dorashada2021?

0
Sunday October 24, 2021 - 11:20:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Musharaxa Noqondoona Madaxweynaha Somaliland Ee Dorashada2021?

    W/Q: MJ Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: MJ Farah

Alleh ayaa og madaxweynaha ku guuleysan doona doorashada sanadka dambe balse daraasadan waxaa mid aan ku eegayo waayo aragnimadeyda siyaasadeed arimaha Somaliland ee la xidhiidha siyaasada  iyo kalsoonida codbixiyayaasha Somaliland. 

Waayo aragnimadeyda siyaasadeed iyo saadaalinta doorashada Somaliland 

Somaliland marka laga hadlayo ama la saadalinayo doorashooyinkeeda waa mid salka ku haysa arimo badan oo kaalin ku leh guuleysashada iyo guuldarada doorashooyinka gaar ahaan tan madaxweynaha waxaana ka mid ah arimahan hoos ku qoran: 

  1. Aragtida ay codbixiyayaasha ee musharaha shaqsiyadiisa iyo tayadiisa sida ay u arkaan oo ay codkooda ku siiyaan 25% 


    Somaliland codbixiyayasheeda marka laga hadlayo doorashada madaxweynaha waxaa kaalin muhiima ku leh kolba aragtida musharaxa laga qabo shaqsiyan taas oo ka madax banaan reernimada Tusaale waxaa aynu u soo qaadan karnaa 

    Tartankii Mujaahid Axmed Siilaanyo iyo Daahir Riyaale, guusha daahir Riyaale waxaa sabab u ahaa sida loo arkayey daahir riyaale wakhtigaas taas oo ku saleysneyd in dad badani u arkayeen wakhtigaa in daahir Riyaale ku haboon yahay si kaalintaa hawlahu hore ugu socdaan. 
  2. Aragtida ku saleysan reernimada oo 15% codbixiyaashu ku siiyaan musharaxa 

    In musharaxa lagu taageero qaab reernimo waa dhaqan kale oo ka jira Somaliland balse dadka codka bixiyaa in tiro qiyaas 15% ayaa codkooda ku bixiya qabyaalad taas waxaa kuu cadeenaya inta badan musharaxiinta ku hadha doorasha waxay yihiin kuwo reerkooda inta badan codka ay siiyaan oo .  
  3. Abaal, balaandaado,dano gaara iyo Isxulufaysasho siyaasadeed  35% ayaa cod 

    Codadka ugu badan waxaa ay ka yimaadaan Abaal hore uu musharaxu u gashadey codbixiyayaalka,balanqaadyo uu siiyo dad uu u arkayo iney cod u keeni karaan,taageero dhaqaale oo ku hawlgalo oo uu ka helo ganacsatao(dano gaara) 
  4. Shaqsi jacayl,xayeysiinta musharaxa iyo ololaha loo sameeyo 15% ayaa ku yimaada codbixinta 
  5. Ololayaasha qarsoon ee sirta ah kuwaas oo ka i man kara dalal shisheeye iyo shaqsiyaad shisheeye oo wata ama la dhacsan musharaxiinta qaar ka mida 5% 
  6. Kaadiriinta Axsaabta tartameysa 5% 

    Hadaba sida la filayo doorashada madaxweynaha ee sanadka 2022 ee Somaliland lama mid noqondoono kii labada gole ee Wakiilada iyo Degaanka ee qabsoomey Sanadkan 2021 kaas oo ay ku guuleysteen mucaaradku (Wadani iyo UCID). 

    Farqiga u dhaxeeyaana waxaa uu yahay waxaa tartamaya saddex shaqsi oo kala ah: 
  1. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi 

    Mudane Muuse waa musharaxa qudha ee helidoona tirada ugu badan ee codbixiyayaasha oo qiyaas ahaan gaadhi doona 75% in ka badan 
  2. Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi 

    Mudane Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu heli doonaa 20% dadka codkooda dhiiban doona 
  3. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe 

    Mudane faysal Cali waxaa la filayaa in uu helidoono 5% dadka codkooda dhiiban doona. 

    Xaqiiqada iyo mustaqbalka cida guuleysan doonta waaxaa o goo keliya Allah (swt) balse odoraska daraasadeydani waxay ku saleysan tahay uun data iyo xogta aan ka ururiyey meelo kala duwan. 

    Sababta uu Muuse Biixi ugu guuleysan doono 75% sababta ugu weyni waxay tahay ilaa imika labada oday ee la tartamayaa lama hayo wax la taaban karo oo ay lagu dooran karo ama isbadalo muhiima oo ay sameeyeen mudadii ka dambeysey doorashadii ugu dambeysey ee uu Mudane Muuse Biixi kaga guuleystey. 

Sida muuqata codka ugu badan Muuse wuxuu ka helidoonaa dhalinyarada, haweenka Somaliland iyo dadka caadiga ah ee bulshada Somaliland. 

Mahadsanidin

MJ Farah

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...