Caydh Cunto Looma Sheego ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday October 24, 2021 - 11:12:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Caydh Cunto Looma Sheego ( Abdi-Shotaly).

    N.B Abeesaddii Farta loo Taagay Ee Fanaxa U booday!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Abeesaddii Farta loo Taagay Ee Fanaxa U booday!

Nin caydh ahaa, baa maalin ayaamaha ka mid ah, uu nin ay is xigaan, ka gaxeeyey tuulo uu ka dawersan jirey, xoolo aanu lahayn oo agoomeed-na, lagu yidhi adna isku ilaalin, oo baahidan boggii iyo beerkii, isku kaa dhejisay kaga bax, waa adigan ku waashay "Yaa  Alle wax siiyeye"  ee moqora-faduun la wareegayee, kagana baxa dewersiga, ilayn waa wax iimaanka ka fakhriyahe, oo aan weligiina ku riyoon waxa baad maamuli doon-taaye, baa inta loo tiryey gacanta laga saaray, oo lagu yidhi dhaq hanti-daas agoon baa lahe inta ay korayaan, adna dar-xumadda kaga bax. ilayn waa wax aanu u barane, oo caqli-gaas ma laha'e, way ka weynaatay adaa maamula, oo wuu u qaadan waayey, sidda yar ee ay u soo galeen, dabeed waa caado faqiir oo wax soo galeene, waa ka fadhaq booday, ee siddii awrkii qoodha ahaa ee geela ku jirey, kaadidda ila sinaha, kuruska iyo dawaadda madaxa iskaga habeediyey, ee si xun ugu takri-falay, ilayn waa wax aan wax lahaan jirine, waaka kibir awggii ay far togdheer la xushay, miyuu yahay-ba kii laga soo kiciyey, dooxa uu habeenkii seexan jirey? Ee daasadda magaaladda kula dhex meeri jirey? Miyuu ku yaqaanaa-ba hadda? Horta indhi-hiisu ma ku arkaan-ba? Ma kaa gar qaadana-yaaba? Iska soo celi xoolihii agoonta ma la marsiina-yaaba? Wadda hadal-ba ma idin dhex mari karaa horta? Ma xasuusan yahay-ba Waayihii hayey iyo kaba-la'aantii uu soo maray ee looga yeedhay? 

 

Miidaamo dhego ma leh haddii malag u dhawaaqee, halkii laga filaayey, in uu soo fadhiisto, oo gar baxo, kana jawaabo su'aalaha sare ku yaal iyo qaar kaloo badan, waa ka sii afar qaaday, siddii nirgo gu' barwaaqo ah jooga. wuxu sidaa ku socd-ba, sheedda laga eego-ba, maalintii dambe, buu ri' dhashay iyo waxar-teeddii uu sayladda ku soo xidhay, oo ah kuwii agoonta loo lisaayey. Akhristaw waa ta la isla kacay, ee la yidhi sidan lama eegano karo, ee ninkan wax ha laga qabto, ka bixi waayey af-dhuub-yaalaysi, faan iyo fakh-fakh cariigsi ah, maalin kaste neef xadhigga ku sii xidhanaaya, ee tuuladda ugu shaah doona-naaya, xaraash iyo iibin ku bilaabay, ina kuwii daasadda dawersiga, ay derbi-yadda ku wadda wadaagi jireen ku qub-qubay ( Waa xigta-diisa'e), isaga oo aan u miidaan deyin. Cishaddii danbe baa loo tashaday,markii si aan cidna ka qarsoonayna la isula arkay, in nin-kani siduu wax u wadaa aanay si ahayn, ee khasab lagu soo fadhiisiyo, la yidhaaho Sheekhaw micnahaa? Waa ta loo yeedhay ee la yidhi, bal ka waran Xoolihii agooonta, si waalan baa wax u wadaaye? Af buuxa baa wuxu ku jawaabay "Ha i waydiinina waxaas oo kale" Ee ka baxa maamul-kayga, sidaan doono baan u wadayaaye, buu si toos ah u yidhi, halkii wax kale laga eegaayey. Waa wax aanu lahayn ilayne, oo is leh kolay-ba beri baa la iga qaadayaa, intaan hayo waan ka sii ciil bixi, hadii la is yidhaaho ka wareejiya si aan wax-baba la iigu imanin. Waa duni aakhir-sebaane, miskiinkii waa ka halkaa ka booday, ee cadaystay in ay wixiisu yihiin badheedh.

 

"Horaa Somalidu u tidhi "Caydh cunto looma sheego" Waayo si miyir beel ah bay ugu qamaamayaan, sidda askarigan hadeer meel walba iibiyey, intuu isaga iyo qoys-kiisa uu u dhacay mooyaane, ee siddii islaantii rubaaabi ee burco joogi jirteuy, ee odhan jirtey  " Kuli-shay Xaqanaa" Oo micna-heedu yahay wax walba aniga baa iska leh. Waxan uga socdaa hadaba, " Askari-gani waa Abeesaddii farta loo taagay ee Fanaxa u booday" ee bal dhugta intan yar. isaga oo cumaamad keliya madaxa ku duuban, oo kaba la', buu dalka soo galay, isaga oo qarafsa-naaya, waxba aanay dhulka ka oolin, labadda baabaco dhigaaya raran kulul, safantu jeex-jeexday cidhbaha, markii uu boob ku hantiyey mood iyo nool-ba waxay ummadu lahayd, waa kaa siddii ri'dda dhashay iyo waxar-teeddii xaraashka ku taagay, intii ka qubquba-tayna uu u saydhiyey macaan jecsha ku xeeran,  ha kala reebin ee waa inta uu wasiiradda ku sheego, kuwaas oo ka sii wadda liita, mid ku odhan kara khaladka jooji aanu ku jirin. Waxan ku soo qafilay qoraalkan, xaqiiq-na ah iyo biyo kama dhibcaan, waa halkii cigaal shidaade " isma ogidin ee saadam-baydin garan, markay silicdee, surku ku qalalo, saantay karsadeen, iska daa dad, dal iyo duunyo'e, marka idinka la idin xaraasho, ee sidda lax daabaxaad ah sayladda la idinku taxo, haddii aad ka waan-toobi waydaan, khaladka aad ugu sacab tumaysaan, tuug-tana aydaan iska qaban. Maah-maah baa waxay odhanaysaa " Nin-ba tacabkii talooy kaa maal", sidaas awgeed maalin kale baad ka shalaayi doon-taan, malaha maanta uma jeedaane, marka ay idin-la tagto seeftu, ee wiish idin-la sare kaco, baad caana-heedda  ka maali doon-taan.

 

N.B  Abeesaddii Farta loo Taagay Ee Fanaxa U booday!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...