Hangaraaraca W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

0
Sunday October 24, 2021 - 09:33:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hangaraaraca W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Bahda Cilmi Saynisku waxay ugu yeedhaan (Diplopoda).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahda Cilmi Saynisku waxay ugu yeedhaan (Diplopoda).


Hangaraaracu waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda bilaa lafdhabarleyda ah (Arthropoda), gaar ahaan bahweynta noolayaasha yaryar ee leh lugaha badan iyo labada geesood (Myriapoda) kuwaas oo ay kamid yihiin Dhirtaxanyada ama dhartaxanyada iyo Hangaraaraca.


Bahda Cilmi Saynisku waxay ugu yeedhaan (Diplopoda). Saynis yahannada baadha cimriga noolayaashu waxay sheegaan in hangaraaracu muddo aad u dheer kunoolaa adduunka, waxaana badanaa laga helaa dhulka beeralayda ah ama se beeraha guryaha u dhaw, inta la diwaan geliyay hangaraaraca waxaa laga helaa qaaradaha kala duwan ee dunida oo dhan, marka laga reebo dhulweynaha atlaantiga ee barafka ah, waxaana jira ilaa sideed kun oo nooc oo hagaraarac ah, kuwaas oo ku kala duwan dhanka midabka iyo xagmiga.



Hangaraaracu waxa uu caan ku yahay midabka aadka u madaw, inkastoo ay jiraan midabo kale oo ay kamid yihiin Casaan, Jaalle iyo bunni.


Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Millipede) oo uu macnaheedu yahay kun lugoodle, Carabidana (ألفية الأرجل). Afka Soomaaligana waxaa loogu yeedhaa Hangaraarac. Cimriga hangaraaracu waxa uu gaadhaa 2 ilaa 4 wiig, inkastoo haddii la xanaaneeyo ama meel lagu ilaaliyo uu cimrigiisu gaadhi karo dhawr sanno, dhererkiisuna 1.5 inji, halka uu culayskiisuna gaadho 2.5 garaam. Waxa uu leeyahay 30 hiddo-side, Hangaraaracu waxa uu kamid yahay noolayaasha dhala beedka, halkii mar waxa ay dhashaa ta dheddig in ka badan 300 oo beed, kuwaas oo ku dilaaca dhawr todobaad.

Hangaraaracu waxa uu kamid yahay noolayaasha quuta dhirta ama waxyaabaha dhintay ee asal ahaan kasoo jeeda dhirta (Detritivore Animals) gaar ahaan habeenkii. Hangaraaracu waa xayawaanka ugu lugaha badan noolayaasha kunool arlada dusheeda, waxaana uu isku difaacaa marka la taabto ama loo soodhawaado in uu is duubo ama is ururiyo.


Dadka qaarkood waxay aaminsan yihiin in hangaraacu ka tirsan yahay bahweynta cayayaanka, balse kama tirsana ee sida caarada oo kale waa uu ka madax banaan yahay, waxaana uu ku jiraa noolayaasha yaryar ee leh lugaha badan.

Hangaraaraca inkastoo aanay dadka qaarkood jeclayn aragtiisa oo laga baqo, haddana waxa isweydiin mudan, Hangaraaracu dadka maqaniinaa tolow ? Jawaabtu waa maya, balse markuu dadka taabto jidhkooda qaarkood waxa uu ku abuuraa xasaasiyad ama cuncun maqaarka ah, sidoo kale xayawaannada cuna isaga waxa uu kusii daayaa dareereyaal ku sababa cuncun ama xasaasiyad, Hangaraaraca waxaa lagaga xakamayn karaa guryaha iyo beeraha in lagu buufiyo dawooyinka dilla cayayaannada kunool guryaha ama beeraha. Ugu danbayntii soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadal caan ah oo ah: Hangaraarac lug uma dhutiyo/dhitiyo.

[email protected]

Mayeedhaan Magazine.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...