Shilalka baabuurta ee ka dhaca Somaliland

0
Sunday October 24, 2021 - 09:09:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shilalka baabuurta ee ka dhaca Somaliland

    Waa laga dheregsan yahay, naf iyo maalba, khasaaraha ay shilalku sababaan. Sidaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa laga dheregsan yahay, naf iyo maalba, khasaaraha ay shilalku sababaan. Sidaa


Marka uu gaadhi socdaa wax jiidho ama uu rogmado ama ay gaadhi kale oo socda isku dhacaan ayaa la yidhaahdaa "shil baa dhacay.” Shilku mid fudud oo aan dhibaato badan keenin ayuu noqon karaa. Waxa kale oo uu noqon karaa mid culus oo khasaare weyn sababa.


Soomaalilaand waxa beryahan dambe ka dhaca shilal culculus oo nafo badan oo qaali ah lagu waayo. Waxa ka dhaca shilal lagu jajabo ama lagu naafoobo ama dhaawacyo waaweyn oo maskaxeed iyo kuwo jidheed ba sababa. Waxa ka dhaca shilal maal ama adduun aan tiro lahayn lagu waayo.



In gaadhiga aad loo eryo oo xawaare aad u sarreeya lagu socdo ayaa ka mid ah falalka la eedo ee shilalka ugu badan keena. Waxa kale oo sababa gaadhiga oo noqda mid kharaab ah oo cillado qaba, xirfadda wadaha oo liidata, sakhrad ama taxaddir la’aan.


Haddii uu qof dadkeenna ka mid ahi sheego in uu gaadhi raacayo, oo uu socdaal gelayo, qofkaas waa loo duceeyaa. Waxa loogu duceeyaa in uu Ilaahay halka uu ku socdo nabad ku geeyo, nabadna kaga soo celiyo. Marka qofka sidaa loogu ducaynayo mashkiladaha safarka iyo halista gaadiidka ayaa maanka lagu hayaa.


Waa laga dheregsan yahay, naf iyo maalba, khasaaraha ay shilalku sababaan. Sidaa darteed, wadayaasha baabuurtu mas’uuliyadda weyn ee saaran in aad iyo aad u ilaaliyaan ayaa fiican. Inta aanay socdaalka gelin in ay xaaladaha baabuurta hubiyaan iyo in marka ay baabuurta kaxeeyaan aanay aad u eryin oo ay si miyir ah u socdaan ayaa wax-ku-ool ah. Maaddaama ay rakaab qaadayaan, oo ay nafo badan mas’uul ka noqonayaan, waxa waajib ah in ay balwadaha ka fogaadaan. Waxa kale oo lagamamaarmaan ah in aanay telefoon ku hadlin, in aanay dhegaha wax gashan oo aanay wax mashquuliya dhegeysan, iyo in aanay iyaga oo luloonaya baabuurta kaxayn!


Isku soo wada duub oo shilalku waa aafo weyn oo sidii looga hor tegi lahaa ama loo yarayn lahaa in lagu dadaalaa ay aad iyo aad muhiim u tahay. Xukuumad iyo dadweynaba waa in arrintaa lagu dadaalaa.


W/Q: Axmed Iid Aadan

[email protected]


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...