Maxaanad ka ogayn diyaradda Turkiga e loo soo Daabulaayo Geeska Africa W/Q Mohamed Aden Hassan.

0
Saturday October 23, 2021 - 18:17:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaanad ka ogayn diyaradda Turkiga e loo soo Daabulaayo Geeska Africa W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Waa maxay u jeedka lo keenaya diyaradahan daroonka ah Ethiopia :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay u jeedka lo keenaya diyaradahan daroonka ah Ethiopia :



Diyaradda Turkiga e Bayraktar Tb2 waa diyaarad heer caalimiya o Engine kude dhex dhexaad yahay dhinaca waynaanta laguna sameyay waa Engine ka ee Dalka Austria isla markaana u farsamysan drone tii u danbesay e duunida wallow ay tahay Jiilka 4aad e hubka 4G . waa diyaarad qabsatay fagarashaya dunida e dagaalada gaar ahaa Syria , Libya iyo Azerbaijan o aan falan qayno waawayn ka samenay dagalaas , Uk o ah dal ku hromaray saanada ciidama iyo farsamada technoloiyada ayaa ah dal u han qal tagaya iibsashada diyaradan , marocco o ah dal dhaca galbeedka Africa ayaa isna raxan diyaaradahan ah loo soo dabulayaa dhawaaan , se arrinta cajiibka ah ayaa ah in geeska afrcia la keeni doono diyaradahan o dawladda Ethiopia ay ka dalbatay dalka turkiga diyaradahan.



Waa maxay u jeedka lo keenaya diyaradahan daroonka ah Ethiopia :


Ethiopia xukamadda iyo TDf Tigtay defense force ayaa dagaal ku jira mudda hatan ah sanad taas o ka dhashay arimaha doorashoyinka iyo khilafad hore u jiray ka dib marki xukumadda abiy ahmed ali doorashada dib u dhigtay arimo ku saabsan caabuqa COVID19 ayaa 04 Nov 2020 qarxay dagaal aad u wayn o socda kaas o keenay burbur nafeed iyo mid maaliyadeed o aad iyo aad u wayn kaas o sababay macaluul iyo barakac islal markaana aynu falan qayno iyo lafa gur baladhan aynu ka samenay idinkuna aad si dhawa ad ula socoteen.


Diyaradaha TB2 laba aag bay ka dagalamayaan o kala ah


1.Wa la dagalanka Tdf ka dib markuu adkaaday dagaalki dhulka dawladu waxa ay u bahatay diyarado drone ah kuwaas o burburiya dhufays yada iyo jiidaha hore dagaalka iyo waliba goobaha xasaasiga ah ee hubku yaal maadama ay tigraygu kaydsan jireen hubka iyo saanada ciidamada wakhtigi ay xukunka ay hayeen e 30 sano ahayd , waxa sido kale xaqiiq ah in diyaradaha china ha iyo imiraatka carabta iyo iran ay ka qayb qadanayaan dagaalkan haddana diyaradan turkiga ah Iyana waa mid laga maarmi waayay si ay gobahaas aan hore usoo sheegnay ay u burburiso maadama ay tahay diyarad ku gulaysatay fagarayaal dagaal o caalimiya.


2.Arrinta kale e muhiim ka ah waa ilaalinta biyo xidheenka Ethiopia e ku yaal Degaanka Banshigul and Gamuz o isna lagu ilaalinyo aagan ama Dhamkan laga dhalin doono Dabka iyo hawlo farsamo e kale waa aag ay iska kashanayaan chinaha , USA, UAE iyo Ethiopia waliba USA iyo china Meesha waxa wada keenay hirdan iyo dagaal ah ku saamayn yeelashada Ethiopia o ah goobta geeska Africa ugu xasaasisan lagana soo galo marka ay tahay dagaalka qabow hadda ka hor sidi dhacday e Soviet ka Iyo America.


Dhamankan waa goob ay Ethiopia waligeed ku fakari jirtay se waxaaa shaqadiisa iyo hawl galkiisa bilaabay xukumaddi hore e meles Zenawi sida aad wada ogtihiin wabiga nile waa aag muhiim ah gaar ahaan dawladdaha Ethiopia , sudan iyo masar waxa ka dhashay buuq iyo xasarado siyaasaded o ilaa haatan tagan maalmo dhawayd masar ayaaba samenaysay dhoola tusyo xaga hawadda ah kaas o ku saabsan arinta nile ka iyo dhamka wayn sida daradeed waa muhiim in la helo diyarad fir fircoon o ka qayb qaadata ka hortaga weerada hawada sare ah e lagu bur burinayo biyo xidheenkan muhiim ka ah sido kale waa aag qalabaysan o ay ku xidhan yihiin hub difaac kaas o ilaalinya biyo xidheenka waxaaan ka xusi karnaaa nidaamka difaac e isreal e gantaalka laba jeer dhaca e lagu rakibay biyo xidheenka sido kale waaxa difaaca imiraatka iyo china ha aagan si heer sare ah iyada o aan lagu hashiin ayay Ethiopia buuxisay waaana boog ku taal geeska Africa gaar ahaan Ethiopia sudan iyo masar haddi aan is afgarad iyo wada xaajood laga gaadhin maadama u wabigu samayn ku yeelan doono nolosha malayin qof ah o ah muwadiniin masaariya iyo sudanize ah.


Labadaas qodob waa labada qodob ee ugu muhiim san dalbashada diyaaradan caalimiga ah e ku gulaystay fagarayaal hore o aag dagaal ah sida SYRIA, LIBIA IYO AZERBIAJAN.


Halkee ayay ka helaan Tigraygu hubka iyaguna


Waa suaal iswaydiin mudan mar hadaan ka faalanoy arrintan Ethiopia iyada waad garanaysaan halka ay hubka ka helaan iyo sida ay hashiisyada tooska ah u galayso o tani u danbayso lakin arrinta ah in wax layska waydiiyo waa suaashas sare waxaan ku soo koobi doona sidan hoose:


1.Horta tigraygu waa niman sii diyaar garoobay dhinac dagaal iyo dhinac sharci o waxaan ka xusi karnaa xaga sharciga in ay diyariyeen hindisaha ah in ismaamulku ama degaanku u ka gu.i karo Ethiopia inteeda kale hadii u suluugo nidaamka dawladda dhexe e Ethiopia waana arrin miiska hadda u saran o ay hore usii qorsheeyan inta ay xilka hayeen EPRDF , arrinta cajiibka ah wa haddaba in ay tigraygu kaydsaden hubkii la siin jiray Ethiopia 30 kii sano e la soo dhaafay o ay dhulka hoostiisa ay ku xaseen jireen warbahina amxaradda ayaa qori jiray in hadii dhulka tigrayga ceelal biyo ah laga qodo waxa ugu wayn ee Meesha lagu tagi doona u noqon doono hub xaga hoose laga qariyay o aad u badan sido kale shirkado sameyay rasaasta iyo hubka fudud isla markaana dadka tigrayga ah siiya tababro ayaa laga hirgaliyay gobolkaas tigrayga.


2.Arinta kale e muhiimka ah waa in mar hadii u dagaal dhaco waliba sidaan xogaha ku halayno ay tahay in ciidamka ku dagalamaya dhulka ay labada ay awood sareyan hadda waa inta badan ee tigaraygu kana gacan sareeyan ciidamada military ga waxa markiiba halkaas ah in ay ka furanyaan ciidama hub aiyo saanado dagal o wax walba isigu jira.


3.Arrinta muhiimada Iyana leh waa arrinta macaawinada baaburta sida aad wada ogtihiin gobolka Tigray meel walba waa ka xidhanyahay o dawladda ayaa jartay xududaha laga soo galin karo hubka isla markaaana laga caawin karo TDF sida xuduudka aaga sudaan o masar iyo sudan iyo reer galbeedku ay kaso marin karaaan saanada ciidama iyo caawinta hubka sido kale dhinaca ERITREA Iyana way xidhantahay o ERITREA waxa ay la socota ETHIOPIA dagalo soo jireen ahna waa dhex mareen ERITREA IYO ETHIOPIA gaar ahaan wakhtigi Meesha ay tigraygu ay hasteeen sidaa daraded nimanku waa tigrayga iyo ERITREA cidna waa isu xigaan waa rag ilmader ah sido kale dagaal soo jireena ahna waa ka dhaxeyay sido kale ee hadda waxa xulufo ah Abiy ahmed ali Iyo ASIAS AFWERKI , Arrinta Iyana hubka lagu gaadhsin karo waxaa ka mid ah in baaburta mucaawinadda sida lagu soo qariyo hubka iyo qalabka fudud laguna soo qiriyo waliba nimankan arrintan way kusoo macasheen o hore ayay uga faa,ideen dagaladii hore ethipia uga dhacay ay la galeen Mingizto Haile Maryam sidedaba hadii ay arrintan ku soo marto cawinada waa in aad baadhis ku sameysaa o aad si wayn u baadha iminka 400 iyo dheeradki gaadhi ay gaadhay gogoblka Tigray wax aad u yar ayaa so noqday inti kale wali gobolka Tigray ayay ku sugan yihiin.


Haddaba waa side mustaqbalka siyaasaeed Ethiopia iyo tigrayba:


Horta dagaalku waa iska socon inta u doono ilamana aha in si dhakhso ah loo kala adkaan doono sida daraded saddaxden qodob ayaan kusoo koobi karnaa mustaqbalka Ethiopia:


1, in inta UN ku fadhisto ay soo saran qaraar wada jir ah o lagu dirayo ciidamo ka socda UN ka gobolka Tigray sidi hore ugu dhacday RWANDA iyo dalal kale o badan amaba dee Meesha laga dhigo dawlado kale madaxbanaan o sidaas loo xukmiyo laguna dhex galo o xalku sidaas ahaado , arrinta kale e Iyana mihiimka noqon kartaa waa in dawladda hadda jirta mesha laga saaro o lasoo dhiso dawlad kumeel gaadha o dhex noqon karta isla markaana kalsooni cusub hano karkarta arimaahsana waa arimo adag o ku xidhnaan doona is wada qancin iyo wada ogol dhinac walba ah.


2. in sidaan hore u sheegnay ay tigraygu ku dhawaqi doonan dal madax banana waa marka dhinac loo kala dhaco ee.


3 in ay Tigray dagaalka ku adkaadan iska markaan ay sameyan NEW ALLIANCE ah OROMO TIGRAY ALLIANCE sidi hore u dhacday o ahayd AMHARO TIGRAY ALLIANCE dagaaladi 90 kii.


4.In ay dawladda Ethiopia Iyana ay dagaalka ku adkaata waa macquul o ay mar labaad gudaha u gasho gobolka tigary sidaasna ay gacanta ugu wada dhigto Ethiopia o burbursan o kala tagtay isla markaana aan isla jaan qaadi Karin.


Ugu danbayntii arimahaas aan soo falan qaynay waa qaar hadda tagaan iyo kuwa iman kari kara dhawanahaan sidaa daradeed wixi karaan kayga ah e dadkaygu u bahan yihin waan soo gudbin maadama ay tahay in aan aqoon ka korodhsano isla markaaana aynu ahaano dad UPDATE AH mar walba si aan cashar uga barano mustaqbalka iman kara maadama anay jirin goobo machad ah o lagaga faa.loodo arimaha diplamiciyada iyo hadba waxa sii kordha e tabanaya awoodda dhaqan dhaqaale e dad kuwada nool hal gobol *The HORN OF AFRICA * sidaa daradeed waxa ianaga goan in aan isdul taagno wixi cusub la soco wixi soo kordha e caalmiga ah


Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden HassanEmail: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...