Miyaan Filanaayey Taaba( Abdi-Shotaly)!!!

0
Saturday October 23, 2021 - 18:12:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Miyaan Filanaayey Taaba( Abdi-Shotaly)!!!

    * N.B In Dhibaato Igu Filan Faraqaan Ku haystaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B In Dhibaato Igu Filan Faraqaan Ku haystaa!

Waxa la yidhi eedaadka soo maray umul baa ilawdee, allaw sahal amuuraha adaa nooga roone, waxa hadda ka socdda Somaliland, maaha kii yeeli lahaa in uun qofkii caqli lihi, wax uu qaadan karo maaha, nin baa wuxu yidhi, wax walba is idhi, laakiin, mar qudha ismaan odhan "Laba laf gaabo baad isi saari doontaa", waxan uga socdaa weligay ismaan odhan, kumana tashan, haday cidi ii sheegi lahayd-na, kamaan yeeleen, oo waan ku qosli lahaa, caynkan baa u dambaynaysa Somaliland, filina-maayo dareenkii ummadda in laga turjumay, ruuxna maskaxdiisu may siinayn, maamul Somaliland ah baa sidan oo kale noqon doono, askarigan af-duubay ummadda ee meesha ka qalaadaaya, siddii yey saq dhex baadi ka heshay meel cidla ah, dabeed ku qaaday heesti Fartaydda yaa subuga daray, ee Axmed Saleebaan bide, kuna luuqayn jirtey KInsi Xaaji Adan ereyo ka mid ahaa oo ah " Miyaan filanaayey taaba" Waxa-se denbiga iska leh inaka oo xadhka goys cirka iyo dhulka laga diiday wu rixinay, oo waxaas ku dhacaaya ummadda qof-na meesha sooma dhoganin, miyaa is lahaydeen waa su'aale? Saw maaha amakaag iyo yaab iyo yaabka-yaabki maaha.

In dhibaato igu filan faraqaan ku haystaa, ee weli faalki caashaqu ma igu soo fadhi xun yahay, waanse iska safayn, wakhti aan dheerayn. Halkan waxan ku qorayaa oo ah maqaalka maanta, gabay aad u qiimo leh oo uu tiriyey Axmed Ismaacviil Diiriye ( Qaasim) Alle janada ha geeyo'e, waxa uuka war bixinayaa halgankii S.N.M iyo guulahii ay gaadheen, sidii ay uga gacan sareeyeen faqashtii, markii dalka la soo galay iyo wixii dhacay, digniintii uu bixiyey, ee uu yidhi ilaa Mare ( waa 30ka jise) lagu akhriyo yaan la gelin eehalagu duceeyo ee la diiday, waxay ku dambeeyeen, iyo burburkii qabsaday, neecawdii ay ku neef-sadeen S.N.M-TIi iyo dad-keeddii, dib-na u soo ceshadeen xoriyadii ay inta badan tebayeen. Sidaas oo ay ahayd, bay imika maamul-kani dib inoogu celiyey, wixii aynu hore u eednay, ee ahaa qabyaaladda, waa maamulkii ugu horeeyey, ee aan maqlo intii aan uumanaa, marka lagu daro tii Askriggi Af-weyne, maamul dumar xidha, oo weliba ku faana. Waad la socotaan in aan la goyn karin maciishaddii, oo ganacsataddii ay cid wax ka iibsatana waayeen, oo ay suuqa ku bakhtiyeen dadkii dan yarta ahaa, dagaalka goboladda qaar-kood ay beelo ku hirdamayaan, sidda Sanaag, sool iyo kuwa u dhaxeeya Boorame iyo Gebiley, oo uu ka dambeeyaan askarta " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo Shaaximani", dhulkii danta guud ee Boorama oo dad gaar ah la siiyey idin-kama qarsoona ( Waa dhaawac-yaddii boobka ahaaye), qof-naba halkan soo ma dhigan sidan bay ku dambayn, qawlaysato aan qarinayno baa inagu kala tegi, markaas baa weli-ba qaar inaga mid ahi, ay sacabka u sii garaaci doonaan, wixii uu ka dardaarmay qaasim ee uu ku sheegaayo tixdan hoose, baa kaashif loo hayaa iyo arimo badan oo kale, oo tixdan taariikhiga ahi war-bixin ku tilmaamayso.Waa tii ugu dambaysay ee illaa ha u naxariisto'e uu ka tiriyey Imaaraadka, ee ku soo dhawaadda waana tane :-

In dagaal dhamaadaa, ninkii doqoni moodaaye,

Nin da'weyni wuu garan, qabyada diilimaa hadhaye,

Haduun baa digtoonoow horliyo, hawl la dawdabaye,

Debci yaan la odhan ciidankay, luguhu daaleene,

Degta qoriga saarani inuu dego, ka xaaraane,

Hadaan moosku soo dumin guryaha, daad ma soo gala'e,

Dudadaan adkayn cadawgu, wuu soo durkinayaaye,

Dableydiyo kor jooguhu ilaa, uu debeda gaaf-meero,

Dalka niman u dhaarsani, ilaa ay diirad ku ilayso,

Oo nabadu waa noo dugsiye, ay didmada gooyso,

Jeeroo distoor lagu dhaqmiyo, dawlad la abuuro,

Jeeroo dar adaga loo xidhoo, duunyo ku aroorto,

Ilaa maaxda loo daade-goo,dawlis lagu dhaansho,

Jeeroo dariiqyadda lafaha,daasan laga xaadho,

Jeero dalkeenii dhamaan, dib-u-habayn gaadho,

Digirin bay ku aaseen ay lugaha, dib u xidhaayeene,

Dameeraaba lagu gawracay, oo loo dabaal degaye,

Jeeroo ducaa lagu hodmaa, diinta lagu dhaato,

Jeeroo maraha lagu dejiyo, dararta yaasiinka,,

Waa degel xas lehe meesha, yaan laysku dubuq siinin,

Afartaas dareershaye, waxaan dib ugu luuqeeyey,

ka soo doogney diif iyo cadhaddi iyo, digasho reeroode,

Dugsi caydh ah dhawrkii sanee, lagu dabayl rooray,

Diiftii Illaah nooga reey, dakhara-deediiye,

Waxaa duumadii noo bedelay, doogsin caano lehe,

Dabayl caafimaad iyo xoriyad, loo durbaan tumaye,

Waakaa dadkii soo hormaday, wadda duboon jiraye,

Danabaa u kacay guusha, waa lagama daalaane,

Hadaan loo dagaalamin, xoriyad lama dabaasheene,

Daan-daansiggii faqash, raggii diiday ka adkaaye,

Nimankii is damalyn jiray, dacar la leefsiiye,

Derejooyin been ah, baa garbaha loogu daabacaye,

Diba-rootigii markii laysku helay, daab ma soo rogane,

Kuwii shaarubaha duubi jiray,daadshe qalabkiiye,

Digtii horeba waa tay baqaha, docaha jiidheene,

Odayggii dalqadda weyn lahaa, derajaddii xoorye,

Daan-daan tumaalkii,markii laysku daadsadaye,

Wax la yidhi ma daaficine, wuu sii dabayshadaye,

Laygoos ka dege baa la yidhi, doon intuu koraye

Isagiyo daflaba meesha, way dacal baneeyeene,

Dabatada iyo ways kaashadeen, nimanki daaroode,

Deg-deg bay dhulkii uga baxeen,duhur dharaareede,

Alla doori wa waxan lahayn,dir ay ku dhaataane,

Dad haday yihiin sida riyaha, looma didiyeene,

Dalan-doolki nayroobi, bay dalaq yidhaaheene,

Dal la'aani waw kaw, dhul ay dib ugu laabtaane,

Debedaha ha meereen, ilayn diide nabadiiye.



Gabaygan oo ah mid aad u taabanaaya dhuuxa iyo lafaha oo dhiiga ku damqaaya, ku siinaaya dareen aad iyo aad u xasaasi ah, waxana uu ku qaadan karo qofkii ah muwaadin, ee aan xag-jir ahayni, daacad u ah dad-kiisa iyo dal-kiisa, xasuusan waxa uu ka hadalaayo abwaan Qaasim, ee kiciyey dareenka uu ku abuuray murtidan kor ku qoran, ee in uun dib u eegi kara maraxala-daha kala duwan, ee uu sheegaayo abwaanku, waxan filayaa in aanu mar dambe, ku kacayn waxa maanta ina dhigay halka uu marayo Xusbi ku sheega qudhmiye, ee imikana askartii hore inoo kala dilay, ay ku haystaan meherul-shardi kun jeer ka khariban Af-la-haarkii ina bare. bal waxa ina hor boodaaya oo Meesha iska walaaqdda hadda, tahayna reer ba'oow yaa ku leh " Raggii ma adigaa ka hadhay". Ma jiraan meel inoo bed qabtaa oo la taaban karaa, hantiddii ummadda waxa lagu bixiyaa, Reer Hebel Ku soo jiido, iyadda oo ay dayacan yihiin guud ahaan-ba ummaddii dalkan u dhalatay, iskana hor keenay, oo reer-ba-reer afka loo geliyey, gobol-gobol la isu cunaayo, noqotay qaataye-qaado, cid wax ka qabanay-saana aanay jirin. weliba hortiina cadceedda oo duhur ah la idinku hor cunaayo.

Waxa wacan in aad wax dhugato, oo aad baala-haaga iyo hor-taadda waxa ka socdda aad u fiirsato, maaha in aynu iska indha tirno xaqiiq-dda, in wax laguu sheego uun maaha, ee waxad u aragtaa si cad halka uu xaalku maraayo, sidda ay muciishaddii tahay, silica ina haysta, beenta la inagu maaweelinaayo, Bal eega kuwa ina haysta ee ( Waa geenyo shaaximan, ragga ma adigaa ka hadhay) waxa weliba way kuu soo hunguroo-nayaan oo rejo kaa qaba, kuuna soo milikhsa-naaya. Ramaax waa kii Reer Burco ( Togdheer u kala ab-tiriyee), ee ka dhigay saddex daamood, Maayarkii Hargaysa daanta uu ka soo jeedo mooyee, aan warba ka hayn xaafadaha kale, dan yartii ku macaluushay madax-tooyadda hor-teedda wado ka dhisay, waxoodiina ay in yari ku takri fasho, weliba sacabka loo sii garaacaayo. taas oo ah wax ka soo hor-jeeda tixdda uu ka rajo qabay Qaasim, ee uu is lahaa, mar hadaad gacanta ku dhig-teen dalkii, dhogor cusubi baa idinka soo bixi doonta. Nasiib darro tan baa inoo dambaysay. Umana jeedno sansaankii uu u tiriyey murtidan, ee waan ka dheer nahay, waayo waxa lala maray meel baas, waxa lagu shaqaystaa kuwa la yidhi waa Badhisaabyo iyo wasiiro ku sheeg, ka xun ayaxa ay aduunka oo dhami la dagaalamo, kuwaas oo ku seexdda kuna soo toosa, in ay shicibka kala dilaan, kala dilaalaan, kala xabaadhaan, qaybi-yaan, qoys-qoys ku sheegaan, fududee-yaana boobista lagu hayo bad, beri, buur, banaan, guryo. si waadix ah baad u arkay-saan, kuwaas oo aan loo dirinba hawl kale, lama soo koobi karo akhristaw, ficiladda ay cayayaankan meesha joogaa ku foogan yihiin, Balse lagama quusto ta Allee-Rabbiye, isagaa arka oo aan waxba ka qarsoonayne, wuu inaga soo qaban, laakiin adigu laf-taadda Muwaadin waa in aad kutidhaaho nadaaya idin baranaye.


* N.B In Dhibaato Igu Filan Faraqaan Ku haystaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...