Xisbiga Waddani Oo Taageeray Baaq Ay Soo Saareen Beesha Caalamku
Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland
![]() |
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey bayaan ka soo baxay dalalka Beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka taageeraan doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen, ayaa ugu baaqay taageerayaasha Waddani in ay u diyaar garoobaan doorashada soo socota ee 2022-ka
"Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caalamku. Waxaanu cadaynaynaa sida qoraalkaba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga WADDANI inay u diyaar garoobaan doorashada.”
Loading...
Loading...