Beesha Caalamka Oo Qoraal Ka Soo Saartay Dadkii Somaliland Ka Masaafurisay Laascaanood

0
Saturday October 23, 2021 - 13:27:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Qoraal Ka Soo Saartay Dadkii Somaliland Ka Masaafurisay Laascaanood

    Waddamadan ayaa sheegay in ay aqoonsanyihiin muhiimada sugida amniga muwaadiniinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddamadan ayaa sheegay in ay aqoonsanyihiin muhiimada sugida amniga muwaadiniinta


Haragaysa(HWN)-Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saxiibada caalamiga ah ee Somaliland cambaaraynayaan howlgalka ay Somaliland dalkeeda kaga saarayso bulshooyin gaara.



Waddamadan oo sheegay in wufuud ka socotaa kulan arrimaha horumarka iyo doorashooyinka lagaga hadlayo ay la qaateen madaxda Somaliland, ayaa sheegay in intii kulanka lagu guddo jiray ay sidookale, xukuumada Somaliland la wadaageen walaac ay ka qabaan dadka Somaliland ka tarxiishay gobolada bariga.


"Intii kulanka lagu gudo jiray saxiibada caalamiga ah ee Somaliland iyagoo fursada ka faa’iidaysanaya waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan masaafurinta ay Somaliland ku beegsanayso bulshooyin gaar ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.


Waddamadan ayaa sheegay in ay aqoonsanyihiin muhiimada sugida amniga muwaadiniinta iyo in dowlad kastaa ay xaq u leedahay sugida amniga muwaadiniinteeda, lakiin ay mudantahay in talaabo kasta loo qaado si sharciga waafaqsan.


"Anaga oo hoosta ka xariiqayna in hawlgaladan looga gol leeyahay sugida amniga isla markaana og in dowlad kasta masuuliyad ka saarantahay sugida amniga muwaadiniinteeda, hadana waxaanu hoosta ka xariiqnay muhiimada ay leedahay in amaanka la sugo iyadoo sharciga la ilaalinayo, waxaanu aamin sanahay in howlgalka loo galay si xad gudub ku ah xuquuqda adamaha” ayaa lagu yidhi qoraalka.


Xukuumada Somaliland ayaa wada howlgalo ay dhulkeeda kaga saarayso qaar kamid ah bulshooyinka aan Somaliland u dhalan, oo u badan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.
Loading...
Loading...