War Cusub oo kasoo Baxay dagaalka ka socda Guriceel

0
Saturday October 23, 2021 - 12:24:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Cusub oo kasoo Baxay dagaalka ka socda Guriceel

    Xaafado katirsan magaalada Guriceel waxaa hada ka socda dagaal hubka nuucyadiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaafado katirsan magaalada Guriceel waxaa hada ka socda dagaal hubka nuucyadiisa


May be an image of sky and road


Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa xiligan ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada federaalka oo wehliyaan kuwa maamulka Galmudug iyo ciidamo taabacsan kooxda Ahlu Sunna.


Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug gudaha u galeen qeybo kamid ah Guriceel, waxaana dagaal adag kala hor yimid ciidamada Ahlu Sunna ee difaaca kaga jiray magaalada.


Xaafado katirsan magaalada Guriceel waxaa hada ka socda dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adegsanayo, Ahlu Sunna ayaana dhufeesyo ka qodatay xaafado dhoor ah iyaga oo doonaya in ay ku fara adeegaan gacan ku heynta magaalada.


Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Guriceel, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada isku haya gacan ku heynta Guriceel.


Xaalada magaalada Guriceel ayaana ah mid aad u kacsan, waxaana inta badan magaalada isaga baxay dadkii shacabka ah ee degnaa, waxaana xaalada magaalada Guriceel tahay mid dagaal oon la sadaalin karin xaalka ay ku dambeeneyso.


Ciidamada Dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa doonaya in si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta magaalada Ganacsiga ee Guriceel, halka Ahlu Sunna doonayaan in magaalada heestaan si ay ugu gor gortamaan.

Loading...
Loading...