Nnamdi Kanu oo ah nin gooni u goosad ah oo u dhashay dalka Nigeria ayaa diiday inuu wax danbi ah ku leeyahay..
Joogitaanka Kanu ee maxkamadda Khamiistii ayaa ahayd markii ugu horreysay ee lagu arko meel fagaare ah tan iyo markii laga soo celiyay dibedda bishii June.
Mid ka mid ah Qareennadiisa Ifeanyi Ejiofo, ayaa yiri. "Wuxuu diiday qirashada toddobada denbi maanta, waxaan ku boorriyaa maxkamaddu in ay meesha ka saarto eedahaa toddobada ah, lana daayo macmiilkayga oo la siiyo xoriyadiisa. ”
Iyadoo ay weheliso eedaha argagaxisada iyo khiyaano qaran, 53-jirkan ayaa sidoo kale wajahaya dacwado ah inuu maamulay shirkad sharci-darro ah iyo inuu daabacay waxyaabo sumcad-dilis ah, taasoo u muuqata inay la xidhiidho faallooyin uu ka bixiyey madaxweyne Muhammadu Buhari.
Waxaa joogay maxkamadda oo ku xeernaa dad aad u badan oo halkaas u joogay inay taageeraan. Si kastaba ha ahaatee, Daraasiin boolis ah oo aad u hubaysan, iyo askar Nigerian ah ayaa la geeyay hareeraha maxkamadda sare ee federaalka si looga hortago wax rabshado ah. Saxafiyiinta ayaa iyana loo diiday inay gudaha u galaan xarunta
Dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah ee Nigeria ayaa loo arkaa inay xasaasi yihiin, ka dib markii ku dhawaaqis gooni-isu-taag ah 1967-kii Biafra ay dhalisay dagaal sokeeye oo ba’an oo socday muddo 30 bilood ah.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa u dhintay, badidoodna waxay ahaayeen Igbo, saameyntii dagaaladaasina waxay dhalisay colaaddo lagu hoogey, gaajada iyo cudurrada oo faafay.