Saddex qodob oo fududeeyey in Farmaajo iyo Rooble ay heshiiyaan

0
Friday October 22, 2021 - 15:56:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex qodob oo fududeeyey in Farmaajo iyo Rooble ay heshiiyaan

    Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeyay kadib markii uu Rooble sidoo kale xilkii ka qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeyay kadib markii uu Rooble sidoo kale xilkii ka qaaday

,


Qodobo dhowr ah ayaa loo arkaa in ay fududeeyeen in madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisal wasaare Rooble ay ka heshiiyaan khilaaf muddo laba bilood ku dhaw ka dhexeeyay oo ay ugu weynayd arrinta hay'adaha Amniga oo masuuliyiin kala duwan loo kala magacaabay.



Hoggaanka NISA iy wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ahaa xudunta uu khilaafku ka billowday, ka dib markii Ra'iisal wasaare Rooble uu amar ku bixiyey in hoggaanka hay'addaas uu waqti kooban ku soo gudbiyo faahfaahin la xiriirta kiiska gabadhii nabadsugidda ka tirsanay ee Ikraan Tahliil oo dhammaadkii bishii June la waayey.


Intaas ka dib ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday agaasimaha Nabadsugidda, Fahad Yasin. Ra'iisal wasaaraha ayaa dhanka kale, Bahiir Maxamed Jaamac (Goobe) u magacaabay taliyaha cusub ee hay'adda nabad sugidda, tallaabadaas oo madaxtooyadu ay ka hor timid.


War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in tallaabadaas aysan meel mar ahayn, isla markaas waxaa taliye ku meel gaar ah loo magacaabay, Yasin Faray oo ahaa taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.


Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeyay kadib markii uu Rooble sidoo kale xilkii ka qaaday wasiirkii aminga, Xasan Xundubay, wuxuuna sheegay in xilkaas uu u magacaabay ganacsade, Cabdullaahi Maxamed Nuur, tallaabadaas oo khilaafka sii adkaysay isla markaana mar kale madaxtooyadu ka hor timid.


Wixii intaas ka dambeeyey, madaxweyne Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegay in uu dhimay awoodihii ra'iisal wasaaraha oo uusan cidna magacaabi karin isla markaasna uusan qofna xilka ka qaadi Karin.


Dadaal lagu xallinayo khilaafka xoogaystay oo uu hormuud u ahaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa fashilmay, waxaana muddo hakad galay fariimihii warbaahinta la isu marin jiray.


Haddaba maxaa ka mid ah qodobada fududeeyey in labada dhinac ay heshiiyaan?


1. Dhex dhexaadinta Lafta Gareen


Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, (lafta gareen) ayaa sida muuqata kaalin weyn ka qaatay dhex dhexaadinta iyo isu soo dhawaynta labada dhinac.


Waxaa dadaal noocaas ah horay u sameeyey madaxweynaha, Galmudug Axmed Kaariye Qoor qoor, balse dadaallaasi ma noqon kuwo miro dhal ah oo khilaafka xal kama dambays ah looga gaaro.


Lafta gareen oo ka hadlayey heshiiskan ayaa yiri "Waxaa ilaahay mahaddiis ah in ay soo dhammaatay kala aragti duwanaantii muddada bisha iyo waxa la jira socotay ee ku saabsanayd hay'adda nabad sugidda iyo hay'adaha amniga."


Wuxuu intaas raaciyey in "dadaal dheer ka dib" ay si wanaagsan oo kalsooni leh uu khilaafkii u soo gabogaboobay.


Wuxuu sidoo kale ammaanay madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in tanaasul badan muujiyey.

Labada dhinac ayaa sidoo kale u mahad celiyey kaalintii uu Lafta gareen ka qaatay xallinta khilaafka oo uu sheegay in kaalin lixaad leh uu ka qaatay.


2. Tanaasulka labada dhinac


Labada dhinac ayaa u muuqda in mid kasta uu waxyaabihii la isku hayey uu qayb ka tanaasulay.


Madaxweyne Farmaajo ayaa oggolaaday in Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ra'iisal wasaare Rooble uu horay u magacaabay uu ahaado wasiirka amniga arrintaas oo madaxtooyadu ay horay u diidday.


Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in Bashiir Goobe oo horay ra'iisal wasaaruhu ugu magacaabay taliyaha nabadsugidda loo magacaabi doono wasiiru dowle.


Ra'iisal wasaaraha ayaa taasi badelkeeda oggolaaday in Yasiin Faray oo madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay sii haya taliyaha nabad sugidda uu sii ahaado taliyaha ku meel gaarka ah ee hay'adda NISA inta madaxweynuhu uu soo magacaabayo taliye cusub.


Kiiska gabadha la waayey ee Ikraan Tahliil yaa la isla qaatay in looga dambeeyo hay'adaha garsoorka oo sidaasna caddaalad loogu raadiyo.


Waxay sidoo kale labada dhinac hoosta ka xariiqeen dardar-gelinta doorashada, oo dad badan u arkaan in khilaafku uu dib u dhac ku keenay.


3. Cadaadis fuulay labada dhinac.


Waxaa muuqata in labada dhinac ay cadaadis la kulmeen ka dib markii khilaafkoodu uu dibadda usoo baxay, siina daba dheeraaday.


Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay labada dhinac in ay xalliyaan khilaafkooda si arrintaasi aysan u xagal daacin amniga dalka iyo xasilloonida.


Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafka meel la iska dhigo oo madaxdu ay usoo jeesato dardar gelinta doorashada si dalku uu uga gudbo marxaladda kala guur ah loona soo doorto madax cusub.


Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo ciidamo badan ay Soomaaliya ka joogaan ayaa "ku hanjabay" in ciidmadiisa uu kala bixi doono dalka haddii aysan madaxda Soomaalidu khilaafkooda xallin.


Wuxuu sidoo kale Muqdisho u diray taliyaha ciidamada dalka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, oo madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha midba gaarkiisa ula kulmay.


Dadka aaminsan in cadaadis ka yimid beesha caalamka uu fududeeyey heshiiska labada dhinac waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, isla markaana falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.


" Sababta keentay in ay heshiiyaan waxaa keenay cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenya iyo cadaadis kale oo bannaanka ka imaanaya sida Maraykanka, waddamo kale, iyo ururro waaweyn oo cadaadis ku saaray in khilaafka la soo afjar" ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar.


‘Sababta keentay in ay heshiiyaan waxaa keenay cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenya iyo cadaadis kale oo bannaanka ka imaanaya sida Maraykanka iyo dalal kale’


Maxamed Cabdi Cumar


Falanqeya arrimaha Soomaaliya


Doorashada ayaa ah caqabadda ugu weyn ee culayska ugu badan ku haysa madaxda Soomaaliya. Doorashada madaxweynaha ayaa horay loo muddeeyey in ay dhacdo 10-ka bishaan aynu ku jirno ee October, waxaana dadka wax falanqeeyay ay dib u dhacaaan u aanaynayaan khilaafka bannaanka u soo baxay ee madaxda sare


BBC/somali

Loading...
Loading...