Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Fashil Ku Tilmaantay Imtixaanaadka Puntland Iyo Sababta Keentay

0
Sunday May 19, 2019 - 00:09:44 in News by
  • Visits: 2227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Fashil Ku Tilmaantay Imtixaanaadka Puntland Iyo Sababta Keentay

    Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Fashil Ku Tilmaantay Imtixaanaadka Puntland Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Federaalka Ah Ee Soomaaliya Oo Fashil Ku Tilmaantay Imtixaanaadka Puntland Iyo Sababta Keentay

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa fashil ku tilmaantay imtixaanaadka ka bilaabmay maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka waxbarashada dawlada federaalka ah ee soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre oo shir jaraa,id u qabtay magaalada Jawhar ayaa sheegay inuu fashilmay imtixaanaadka maanta ka bilaabmay maamul goboleedka Puntland kaas oo uu daah furay madaxweyne Siciid Deni.

Wasiirka waxbarashada soomaaliya oo haatan ku hawlan xalinta khilaafkii ka dhashay go’aanki ay dawlada federaalku ka qaadatay imtixaanaadkii ay dhawaan joojisay iyo go’aano ay kaga horyimaadeen qaar ka mid ah maamuladu ayaa sheegay in wakhtigan la joogo imtixaanaadka laga daah furay maamulka Puntland ay fashil yihiin isla markaana aanay ahayn qaar natiijadooda lagu kalsoonaan karo.

Wasiir Goodax oo ka hadlaya xaaladaha taagan ee imtixaanaadka ayaa waxa uu yidhi "Imtixaanaadku way fashilmaan oo waa wax dhaca, waxaanan idiin sheegayaa in saacadan hada aynu joogno ay fashil yihiin imtixaanaadka ay qaadayso maamulka Puntland, fashilkuna waa wax dhaca oo wadamada jaarka ahba wuu ka fashilmay.”

Wasiir Goodax ayaa sidoo kale muujiyey sida uu uga xumaaday fal celinta ka dhalatay go’aankii uu ku joojiyey imtixaanaadkii ka socday dalka soomaaliya ee laga qaadayey ardayda dugsiyada sare.

Loading...
Loading...