Trump Oo Wacay Nin Geeri Qarka U Saaran Si Uu Riyadiisa Ugu Rumeeyo

0
Thursday March 07, 2019 - 08:43:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Wacay Nin Geeri Qarka U Saaran Si Uu Riyadiisa Ugu Rumeeyo

    Nin xannuun halis ah la il daran oo ku sugan gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka ayay u rumawday riyadii uu lahaa inta uusan dhiman ee ahayd in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin xannuun halis ah la il daran oo ku sugan gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka ayay u rumawday riyadii uu lahaa inta uusan dhiman ee ahayd in

uu la hadlo madaxweynaha, ka dib markii uu taleefan lama filaan ah ka helay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Ninka uu madaxweynuhu taleefanka u diray oo la dhoho Jay Barrett ayaa qaba xanuun inta badan khalkhaliya hawsha sambabada, dhawaan ayaana laga saaray isbitaalka oo loo celiyay guri ka dib markii ay meel lagu baxnaaniyo u diyaarisay walaashii oo xildhibaan deegaan ah, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

"Jay waxaad tahay nooca ragga een qadariyo, ayuu yiri Trump oo taleefan u diray. Wuxuu intaad ku sii daray "halganka halkaas ka sii wad, halganka waan ku wada jirnaa,"



Eric oo ah wiil uu dhalay madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday in uu hadiyad khaas ah u diri doono Barrett.

arka ku saabsan wicitaanka waxaa markii hore tabiyay New Haven Register oo ka soo baxa Connecticut, warbaahintaas oo doonaysay in Aqalka Cad ay gaarto xogta labada qof ee kala xisbiga ah balse isgacan qabanaya. Wargayska ayayna xildhibaannadu u sheegtay in 100% ay taageersan tahay xisbiga Dimuqraadiga.


"Walaalkay xisbiga Jamhuuriga ayuu taageersan yahay, laakiin siyaasaddii ayaan dhinac iska dhignay, waxayna ila tahay marka ay hawsho qoys noqoto, siyaasadda iyo diinta dhinac ayaa la iska dhigaa," ayay tiri walaashii.


Trump ayaa markii uu la hadlayay 44 jirka xannuunsan u sheegay in uu sawirkiisa arkay "uuna qurux badan yahay"

Barrett ayaase ku qoslay "hadalka naxariista leh" ka hor intii uusan muuqaalkiisa liidin.


Barrett ayaa sheegay in uu yahay qof madaxbannaan oo codkiisa siiya kolba qofka uu doono sannadkii 2008 uu codkiisa siiyay madaxweyne Barack Obama, balse uusan taageerin sannadkii 2012kii, ka dib markii uu ka soo horjeedsaday hannaankii daryeelka caafimaadka ee madaxweynihii ka horreeyay ee Dimuqraadiga ahaa, sida uu ku warramay New Haven Register.


Wargayska ayuu u sheegay in uu jeclaaday ol'olihii doorashada ee Trump, wuxuu intaas ku daray in xisbiga Dimuqraadigu uu wax walba ku khilaafo madaxweynaha khalad iyo sax midkay doontaba ha ahaatee.

Haddii Trump uu hadlo oo dhaho hawada aan qaadano ee oksajiinta ah way fiican tahay, waxay dhihi way xun tahay," ayuu yiri Barrett.


Dakhaatiirta ayaa sheegay uu sii noolaan doono lix bilood, balse wuxuu rajaynayaa in uu gaari doono 2020.

"Waxaan u sheegay in haddii Allaah ka raali noqdo aan codayn doono 2020." Ayuu yiri Barrett oo la hadlay Register.


Balse dad geeri qarka u saaran oo Maraykan ah ayaa qaba rajo arrintan ka duwan oo Trump ku saabsan.


Talaadadii ayay warbaahinta NPR sheegtay in labo askari oo ka soo qayb qaatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ay sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in aysan dhimanin iyaga oon ogaanin natiijada baaritaanka Muller ee ku aadan in ay wada shaqayn dhexmartay ol'olihii doorashada ee Trump iyo Ruushka.


"Waxaan rajaynayay in aan arki doono natiijada wax aan u arko in ay caddaalad tahay. Layaab ayayna igu noqon lahayd iyo waji gabax haddii aysan sidaas xaaladdu ahayn," ayuu yiri Richard Armstrong oo 94 jir ah.


Sources: BBC Somali

Loading...
Loading...