Qiso Wadnahaaga Taabanaysa, Ax

0
Thursday October 21, 2021 - 11:10:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Wadnahaaga Taabanaysa, Ax

    Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado"

"Anigoo yar ayay hooyadey iyo aabbahey  kala tageen, kaddibna eeddo ayuu aabbe ii geeyay, ariga ayaana u raaci jiray. Aniga oo 9 jir ah ayaan subax ari raacay. Duhurkii ayaa oon i qabtay, kaddibna geed hoostiis ayaan seexday. Intii aan hurdayay ayaa arigii iga tegay, goor dambe ayaana hurdadii ka kacay.



Arigii ayaan raadiyay, badankiis waan helay, waxaana iga maqnaatay 12 neef, maqribkii ayaana guriga keenay. Habeenkii ayay timid eeddo oo magaalada jirtay. Markii ay 12kii neef tebtay ayay i garaacay anigoo hurdaya. Waan ka cararay, duurka ayaana habeenkaas seexday.


Eeddo waxay wiilkeeda fartay in uu i xiro markii aan imaado. Eeddo oo maqan ayaan subixii guriga imid, wiilkii ayaana geed igu xiray. 6 saac ka badan ayaan geedkui ka xirnaa. Xariggii ayaa gacmaha iga naafeeyay, mana helin daryeel caafimaad. 4 bil kaddib ayaa isbitaal la i geeyay, waxba waa ka qaban waayeen, sidaas ayaana labadeydii gacmood la iiga jaray.


Hadda eeddo iyo wiilkeedii dar Alle ayaan u cafiyay, maanta ayaana iigu dambeysay oo aan wiilkii i naafeeyay taleefan kula hadlay. Alle mahaddiis gacmaheyga waan ku adeegtaa. Waxna waan bartaa, oo waxaana semester 7 ka ahay Jaamacadda SIU.”

Waa sheekada Cabdirizaaq Warsame Abtidoon.


W/Q. Samriye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...