"Shacabka Somaliland Waxay Haraad Uqabaan Isbedel Siyaasadeed" Xisbiga Waddani

0
Wednesday October 20, 2021 - 12:09:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shacabka Somaliland Waxay Haraad Uqabaan Isbedel Siyaasadeed" Xisbiga Waddani

    "waxa ay si weyn u sugayaan doorashada Madaxtooyadda "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa ay si weyn u sugayaan doorashada Madaxtooyadda "

Hargaysa (HWN) Xog-hayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Hussein Abdi ayaa sheegay in dadka Somaliland haraad uqabaan isbadel siyaasadeed, xoghaye khaddar ayaa intaasi ku daray in xisbiga Waddani yahay xisbiga keliya ee ka shaqayn kara isku haynta dalka  iyo dadka "Shacabka Somaliland ee sharafta badani waxa ay haraad weyn u qabaan isbedel siyaasiya oo dalka ka dhaca, waxa ay si weyn u sugayaan doorashada Madaxtooyadda oo ay rabaan in ay fartooda ku ciil baxaan, kuna doortaan hoggaamiyihii ka shaqeyn laha "Isku haynta dalka iyo dadka".



waxa aynu darsi ka qaadan karna doorashadi dhawaan dhacday siday Shacabku uga dareen celiyeen doonistooda iyo dadkay doorteen.  Xisbiga WADDANI waa Xisbiga Rejada Shacabka waxa uu noqon doona mid rumeeya Rejada Shacabka, Umaddiisana ugu adeega cadddaalad, sinnaan, horumar, wax wada qabsi, wallaalnimo iyo wada-jir Idamka Alle." Xog-hayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Hussein Abdi

Loading...
Loading...