Wasiirka Maaliyada Iyo IMF Ta Oo Kawada Hadlay Kasoo Kabashada Dhaqaale Ee Somalia

0
Wednesday October 20, 2021 - 08:58:32 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Iyo IMF Ta Oo Kawada Hadlay Kasoo Kabashada Dhaqaale Ee Somalia

    Wasiir Beyle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda ka qeyb galay Shirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Beyle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda ka qeyb galay Shirka




Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Duceele Beyle ayaa mar kale ka qeyb galay Shirka Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda ee Dalalka Afrika.



Shirkaan oo ku qabsoomay aalada foggaan araga ah ee ZOOM-ka ayaa waxaa diirada lagu saaray sare u qaadidda Dakhliga gudaha iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaalaha Cudurka halista ah ee COVID-19 oo saameyn xoogan ku yeeshay Caalamka.


Wasiir Beyle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda ka qeyb galay Shirka uu faah faahin ka siiyay siyaasadda Dowladda ee ka soo kabashada saameynta dhaqaalaha COVID-19 iyo go’aan ka joogtada ah ee sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo ah SHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya.


"Waxa aan markale goobjoog ka ahaa, kulanka Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Afrika, Aniga oo matalaya Soomaaliya, waxa aan faah-faahiyay siyaasadda Dowladda ee ka soo kabashada saameynta dhaqaalaha COVID-19”ayuu yiri Wasiir Beyle.


Wuxuu intaaas kusii daray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaddaxilgaarsiinta "Hanaanka dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya waa go’aan loo dhan yahay oo Soomaaliya gaarsiinaya isku-filnaan, haddii aan ku sii soconno WADDADA aan hadda saarannahay”.


Wasiir Beyle ayaa marar horey ka qeyb galay shirar looga hadlaayay dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka oo ay ku jirto saameynta uu ku yeeshay Cudurka halista ah ee COVID-19, waxaana shirarkaas goobjoog ka ahaa Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda ee Dalalka Afrika.

Loading...
Loading...