FAALO: Yaa lasoo xulay yaase soo bixi kara? Xubnaha Cusub Ee Jubland Laga Soo Sharaxay Aqalka Sare.

0
Tuesday October 19, 2021 - 18:53:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALO: Yaa lasoo xulay yaase soo bixi kara? Xubnaha Cusub Ee Jubland Laga Soo Sharaxay Aqalka Sare.

    Waxaana Loo soo Xulay in ay ku Tartamaan Leylo Nuux Maax iyo Xareedo Maxed Sheekh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaana Loo soo Xulay in ay ku Tartamaan Leylo Nuux Maax iyo Xareedo Maxed Sheekh.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Maoobe), ayaa soo Saaray magacyada musharaxiinta 4-tii kursi ee ka dhimanaa Senitorada Aqalka Sare Jubaland ku Matali Doona,Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Liiska Musharixiinta ayaa ka kooban Siddeed Musharax, kuwaasi oo ku tartami doona afar kursi, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doona afar Haween ah.



Jubbaland ayaa horay loogu soo doortay Qaar Ka mid ah kuraasta ay aqalka sare ku lahaayeen, waxaana jiray cadaadis Jubbaland kaga yimid beesha caalamka, kaasi oo ku aaddanaa in qoondada haweenka ay ilaaliyaan, waxaana taasi ay keentay in hadda loo xiro haweenka kuraasta qaar.


Kuraasta Loo Xiray Haweenka waxaa ka mid ah kuriga Afartii Sano ee la soo Dhaafay uu ku Fadhiyay Axmed Mclin Cumar Nadiir.


Waxaana Loo soo Xulay in ay ku Tartamaan Leylo Nuux Maax iyo Xareedo Maxed Sheekh.


Ila Wareedyo ku Dhowdhow Madaxtooyada Jubland ayaa inoo Sheegay in kursigaasi Hogaanka Sare Ee Jubaland ay u Diyaariyeen Leylo Nuux Maax oo ka tirsan Madaxtooyada Jubland.


Kursiga 2 Laabad ee kuraasta Afarta ah ee Hartay Waxaa ku Tartamaya Ibrahim Awgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalin Cabdi waxaana kursigan Afartii Sanno Ee La Soo Dhaafay ku Fadhiyay Axmed Cabdi Xafiid Maxamed.

Kurigan ayey u Sadalinayaan Dadka odorasa Arrimaha Siyaasada jubaland in uu ku soo bixi Doono Ibrahim Awgaab.


Balse Kursiga Galangalka Adag uu ku Leeyahay Gudoonka Jubaland ayaa ah kursiga Sadaxaad waxaana Loo Diyaariyay in ay u Tartamaan Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxed Bishaar.

Kursigan waxaa Horay ugu Fadhiyay Xasan Faarax Xujaale


Waxaana Loo Badinayaa in ay ku soo Bixi Doonto Maryan Faarax Kadiye.

Kursiga ugu Dambeeya Ee Kuraasta afarta ah ee u Hartay Jubaland ayaa Loo Diyaariyay in ay ku Tartamaan Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali


Kursigan Waxaa Afartii Sano ee Tagtay ku Fadhiyay Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Aqalka Sarre Ee BS Mowliid Xuseen Guhaad.


Ilo Xog ogaal ah oo Ka Tirsan Madaxtooyada Jubaland ayaa inoo Sheegay in Kursigan uu Galaangal ku Leeyahay Hogaamiye Ku Xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.


Waxaan La Sheegay in Hogaanku Uu u Diyaariyay kursigan Xasan Daahir Yarow.

Si Kastaba Ha ahaatee Maamulka Jubaland ayaa Cagta Mariyay Dhamaan Masuuliyiintii Ku Fadhiyay Afartan kursi Mudo Xil-Heyntii Hore.


Waxaa Diyaariyay Salad Mohamed Khaire

Loading...
Loading...