Arab Sheikh Isaxaaq Dib Loo Khiyaamaynmaayo

0
Tuesday October 19, 2021 - 12:26:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Arab Sheikh Isaxaaq Dib Loo Khiyaamaynmaayo

    "Waxaa jirtay inaanu in badan xeerinaynay ama dulqaad badan u samaynay hab maamulka Dawled"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa jirtay inaanu in badan xeerinaynay ama dulqaad badan u samaynay hab maamulka Dawled"

Idinka idinka oo mahadsan waxaan halkan ugu qeexayaa ama ugu cadaynaynaa haddaanu nahay beesha ArabSheikh isaxaaq, inaanu in badan u dulqaadanay hab maamulka ka dawlwdnimo ee Somaliland, markaynu la soo noqonay dawlednimadeenii ayaanu wax badan xeerinay maadaaama aannu deganahay caasimaddii dalka taas oo aannu ahayn Reer ugu horayeey ee hubka soo dhiiba, waxaannu ahayn reer kii ugu horeeyey ee xisbiyada soo dhaweeya annakoon xisbi kelya ku suntanayn ama sheega nayn hadaba iyada oo aynu dib ula soo noqoshadii dalkeenna ay marayso muddo ah 30 sano samayntii xisbiyaduna marayaan 20 sano ayaanaan arag wax ka soo raynaya oo aan arkayn waxaannu arkayno oo ay maalinba maalinta ka danbaysa qabyaaladdda iyo kala sheegashada xisbiyada iyo dawladdu ka sii daraysaa.

 

Hadaynu soo qaadano doorashadii u danbaysay ee aynu galnay 70,000 kun oo cod oo reerku lahaa ayaa ayey xisbiyadu u qaybsadeen si aan la arag oo la maqal maxaa yeelay maadaama xisbiyadii u shaqaynayeen si qabyaaladaysan ayey ka dhigteen inay siday doonaan ugu tagri falaan.

 

Sidaas daraadeed haddaanu nahay Arab sheikh isaxaaq waxaannu gaadhnay inaanu wax danbe ka sugin xisbiyo iyo dawledtoona waayo anaka oo garanayna miisaan kayga gobolada aannu deganahay ee Togdheer, Saaxil, Daadmadheedh iyo Maroodijeex annaanu anaka oo si cilmiyasan u soo xulidoonno kuna soo darsandoonno golayaasha Sida Degaanka dawladaha hoose, baarlamaanka iyo golaha xukuummadda iyo Guurtidaba dhamaan dhinacyada ay khusayso oo aanaan u daba fadhiisan doonin xisbiyo qabyaaladaysan ama nin iska lee yahay.

 

Waxaa jirtay inaanu in badan xeerinaynay ama dulqaad badan u samaynay hab maamulka Dawled nimadeenna Somaliland laakiin ma aragno wax ka soo roonaanay wax ka sii daraya mooyaane, markaa go’aankaas ayaa naga go’an ee cidkadtaaba ha ogaato.

 

Arainkaa aan kor ku soo xusay oo dhan waxaanu doonaynaa inuu hormuud nooga noqdo Sultankayaga guud ee sidaa ha ogaato Somaliland.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...