Xiisaddii Somaliland iyo QM oo dib u bilowday iyo Muuse Biixi oo weerar culus qaaday

0
Monday October 18, 2021 - 11:47:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisaddii Somaliland iyo QM oo dib u bilowday iyo Muuse Biixi oo weerar culus qaaday

    Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay hay'adda OCHA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay hay'adda OCHA



Waxaa markale dib u billaabmay xiisadii xooganeyd ee u dhaxeysay xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib eedeyn culus oo labada dhinac is dhaafsadeen

Muuse Biixi Cabdi ayaa hay’adda arrimaha bini-aadantinimada u qaabilsan QM ee OCHA ku sifeeyay "laba wajiilenimo”, markii ay dhawaan ka hadashay musaafurinta ay billowday xukuumada Biixi ee dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

"Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa qaybta la yidhaahdo OCHA waxaan filayaa wixii ay ku hadleen in aanu dan u ahayn dadka Laascaanood laga raray, waxay yimaadeen iyagoo qaxoonti ah oo caydh ah maalin qudha booyad biyo ah may siin, maalin qudha bac may siin, maalin qudha kiniin kaneecada ay iskaga ilaaliyaan may siin,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay hay’adda OCHA inay dhaqaale ku raadsanayaan dadka laga musaafuriyey magaalada Laascaanood, taasi oo uu sheegay inay ceeb ku tahay QM

"Soddonkaas sano maxay ku darsadeen? maxay u qabteen hadday OCHA ka naxayso dad qaxooti ah? maxay meel ugu sameyn waayeen? maxay u gar-gaari waayeen? OCHA maxay maanta u qaylisay? waa laba wajiilenimada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, dadkayaga aanu Laascaanood ka rarayno in lacag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoobey”

Hay’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku shaacisay in tirada dadka Somaliland kasoo musaafurisay magaalada Laascaanood iyo deegaanada u dhaw-dhaw ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

OCHA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in 24 qoys oo kale la dejiyay tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle, halka ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October.

Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen, taasi oo ay si weyn uga biyo diiday Somaliland.


Loading...
Loading...