Baashe Awil Haji Omar Oo Baaq Udiray Dhalinyarada Somaliland

0
Monday October 18, 2021 - 09:40:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baashe Awil Haji Omar Oo Baaq Udiray Dhalinyarada Somaliland

    "Dardaaran Ku Socda Dhalinyaradda "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dardaaran Ku Socda Dhalinyaradda "

 Hargaysa (HWN) Wakiilkii hore ee Somaliland ufadhiyay dalka Kenya Bashe Awil Haji Omar ayaa dhalinyarada Somaliland usoo jeediyay inay isku duubnaadaan oo ayna kala qaybin qabyaalada iyo waxyaabaha lamidka ah, Baashe Cawil ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

 

Dardaaran Ku Socda Dhalinyaradda

Farxad bay ii tahay inaan qormadan kooban si gaar ah ugu hibbeeyo Dhalinyaradda Reer Somaliland.

Ugu horreyntii dhalinyaradu waa hormuudka ama hoggaanka dal ama umadd, waana tiirka ay leedahay umaddaasi. Dhallinyaro waxaad tihiin jiilka iyo xooga dalkeenu leeyahay, awoodna u leh inay hormarkasta gaadhsiiyaan.



Duruufaha jira ee qabyaaladu ka kaw tahay waxay wiiqday awoodii aad kaalin muuqata kaga dhex muuqan lahaydeen dhinacyada Hal-abuurka Ganacsiga, Waxbarashada, iyo Hoggaanka Dalka, balse maaha dhib iyo dhaxal aad ka tagteen ama aad bilawdeen, ee waa arrin soo jireen ah oo jiil ba jiil ka dhaxlay.


Baahi iyo bukaan uma tihiin qabyaalada dhalinyaro, mana gaydaan in laydiin kala abtiriyo oo  dano han hoose ah la idiin addeegsado, waxaad dhalinyaro wax ku tihiin waa isku duubni, iyo aragti mid ah oo aad ku waajahdaan mawjadaha qabyaalada ee dalkeena abaabulkeedu aad uga socdo ama looga darreemayo.


Guud ahaan dhalinyarada waxaan kula dardaarmayaa inay u jiheeyaan yoolkooda sidii Mustaqbal san adduun iyo aakhiro ba ay u heli lahaayeen, uga na fogaan lahaayeen aafada qabyaalada ee curyaamisay horumarkii bulsho iyo dal ee aynu ku talaabsan lahayn.


Nabaadiino.

Bashe Awil Haji Omar

Loading...
Loading...