Ujeedada Wafdi Ay Xukuumada Muuse Biixi Udirtay Jigjiga

0
Monday October 18, 2021 - 09:01:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Wafdi Ay Xukuumada Muuse Biixi Udirtay Jigjiga

    "Intaasi kadib waxaa wafdiga si heer sare ah loogu galbiyay dhinaca magaalada Jigjiga."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Intaasi kadib waxaa wafdiga si heer sare ah loogu galbiyay dhinaca magaalada Jigjiga."

Hargaysa (HWN) Wafti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic isla Markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Ciyaaraha, Isgaadhsiinta ayaa shalay u ambabaxay Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaanka Soomaalida, halkaas oo maanta lagu dooran doono, laguna caleemo saari doono Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar.



Wasiirro ka tirsan xukuumadda DDS ayaa waftiga si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada xadka ah ee Wajaale.


Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha ee Somaliland oo ku hadlayay magaca waftiga Somaliland ayaa Masuuliyiinta deegaanka uga mahadnaqay Soo dhawaynta diirran.


Intaasi kadib waxaa wafdiga  si heer sare ah loogu galbiyay dhinaca magaalada Jigjiga.

Loading...
Loading...