Waddani Oo Soo Bandhigay Xeelado Cusub Oo Ku Waajahayo Doorashada Madaxtooyada

0
Saturday October 16, 2021 - 15:57:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Soo Bandhigay Xeelado Cusub Oo Ku Waajahayo Doorashada Madaxtooyada

    "Xisbiga Waddani ayaa doorashadii hore ee Madaxtooyada la yimid qorshe olole oo dalka ku cusbaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xisbiga Waddani ayaa doorashadii hore ee Madaxtooyada la yimid qorshe olole oo dalka ku cusbaa"

Hargaysa (HWN) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in ay wadaan qorshaha u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dhacdo sannadka soo socda ee 2022.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa soo dhigay bartiisa Facebook, qorshe iyo hab-raacyo ku qoran buug oo ay ugu talo galeen in ay kaga midho dhaliyo Xisbigoodu doorashada soo socota oo uu markale Xisbigooda u sharax yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo doorashadii 2017-kii helay 40% codadkii ay dhiibteen shacabkii Somaliland ee codeeyey.

 

Xisbiga Waddani ayaa doorashadii hore ee Madaxtooyada la yimid qorshe olole oo dalka ku cusbaa wakhtigaasi, iyaga oo samaystay xarun olole oo ay toos kula xidhiidhayeen dadweynaha Somaliland, iyaga oo weydiisanayey codkooda.


Loading...
Loading...