Shir Lagaga Hadlayo Bilicda Caasimada Oo Ka Socda Hargaysa

0
Thursday October 14, 2021 - 13:30:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Lagaga Hadlayo Bilicda Caasimada Oo Ka Socda Hargaysa

    "waxaan u baahanay inaan dhamaanteen gacmaha is qabsano kuna waajahno muruq"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan u baahanay inaan dhamaanteen gacmaha is qabsano kuna waajahno muruq"

Hargaysa (HWN) Shirar lagu horumarinayo caasimada Hargeysa oo u dhaxeeya masuuliyiinta dawlada hoose iyo Engineerada aqoonta durugsan u leh arimaha bilcinta magaalooyinka ayaa Hargeysa ka socda .



xoghayah dawlada hoose ee Hargeysa ayaa faah faahiyay shirkan iyo ujeedadooda, waxaanu xoghayuhu yidhi:-  

Horumarinta caasimada Hargaysa waa waajib dhamaanteen ina wada saaran, taas oo u baahan in Cilmiga iyo Cududaba la mideeyo iyadoo oo aan loo eegayn. Hayb, Hebello, Afkaarta Siyaasiga ah, balse laga duullayo Wadaniyad iyo waajibka xuquuqeed ee qof walba Qarankiisu ku leeyahay.


Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu si dhugmo leh u dhegaysano cid kasta oo lagu tuhmayo khibrad iyo waayo-aragnimo si looga faa,iideeysto muruqooda iyo maskaxdoodaba.


Waa sunaha Wadaniyada in aanad gacmaha ka laaban horumarinta caasimada iyo guud ahaan qarankaba markaad dibada ka joogto saaxada hogaamintaba.


Waxaan maanta kulankan qayb ka ahaa 1.Eng. Abdiqadir Iman iyo 2.Eng. Geedi oo labaduba hore ugu soo baratamay hanka Mayornimo ee caasimada balse tartanka aan ku guulaysan.


Wuxuu dareenkoodu gudbinayay in hadii ay kalshada iyo dawliska ceelka aanay nasiib u yeelan in ay weli ka go,an tahay in aanay markii ay waayeen garoonkii ay ku soo bandhigi lahaayeen gacmaha dib u laaban oo ay qorshihii iyo hamigii uga meel yaalay horumarinta caasimada ay la garab istaagaan maamulka caasimada wixii khibrad iyo waayo-aragnimo labada Engineer ba ay leeyihiin. iyo Eng Idiris oo ah aqoonyahan qurbo-joog ah oo mudo badan cariga maraykan iyo arlada carbeedba ka ahaa khamiir jidadka ah (senior civil engineer)


Taasi oo aan ku bogaadinayo soona dhawaynayo diyaarna u nahay in aanu si qoto dheer u dhugano qof walba oo noola yimaada fikir togan.


Si aynu uga midho dhalino qorshaha nooga meel yaala ee lagu dhidbayo karaarka iyo kor u qaadista  horumarinta caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargaysa waxaan u baahanay inaan dhamaanteen gacmaha is qabsano kuna waajahno muruq, maal, iyo maskax aqooni ku dhaaban tahay.

Gacmo wada-jir bay wax ku gooyaan.

Sa'eed Nour Jama

Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa.

                ALLAH MAHAD LEH

 

Loading...
Loading...