Waa Maxay Gooryaanka Pinworm Oo Dabada Cun Cun u yeela ????
Pinworm/dira-dire/indi waa dulnoolaha ugu caansan dunida ee ku dhaca midhicirada, wuxuuna inta badan ku dhacaa caruurta sidoo kale waxa uu ku dhacaa dadka waaweyn.
Cabirka dhererkiisu waa qiyaastii 5 ilaa 10 millimeters (mm) waxa uu egyaahay waa cadaan kalarka kareemka oo kale ah.
Waxaana sababa parasite layiraahdo
(Enterobius vermicularis).
Waxa uu ku fidaa marka ukumaha pinworm aad si kadis ah aad afka ugu qaadato iyaga oo kuusoo raacaya cuntada ama cabitaanka ay taataabteen ilmaha uu hayey pinworm,
Pinworm waxa uu leeyahay dhadig iyo lab noolayaal ah,
kiisa dhadigga ah ayaa halkii xabo waxa uu soo saaraa in kabada 10,000 oo ukumood ,
Ukumaha pinworm mudo 2 asbuuc ah ayey ku noolaan karaan banaanka iyagoo saarnaanaya godasha uu ku seexdey qofka qabay pinworm dharka uu qabey ama cidayahiisa hoostooda,ama waxa uu kaasoo raacin saxanka lagu saxaroodo ee uu isticmaaley qofka qabey pinworm.
Hadii uu Gabdhaha uu ku dhaco gooryaankan waxa iyaga u dheer in uu ku fidi karo xubinta taranka iyo toobooyinka ugxan sidayaasha kaas ugu danbeen ku sababi kara caabuqyada ku dhaca xubinta taranka.
CALAAMADAHA UU LEEYAHAY.
Cun-cun dabada ah oo ubadan xiliga habeenkii ah
Xanuun iyo nabaro yar-yar oo ku sameysma agagaarka mesha laga saxaroodo.
Hurdado la'aan ay sababto cun cunka dabada.
Bahalo yar-yar oo cadcad oo nool nool oo dabada ilmaha lagu arko iyo dadka waaweynba.
Bahaladaas yar-yar oo lagu arko qofka saxaradiisa iyaga oo socsoconaya.
Qofka oo inta badan dabada xoqonaya.
TALLO MUHIIM KUU AH SI UUSAN UGU FIDIN XAAFADA.
-Gacmaha ku dhaq saabuun mar walba oo aad musqusha ka timaado.
-dhamaan cidayaha iska gaabi
-buumaha ama kastuumada maalin walba ku dhaqo biyo kulul.
-iska badal dharka aad ku seexato mar walba oo biyo kulul ku dhaq.
- dhaqo gacmaha ka hor inta aadan cuntada cunin mar walba.
Dhakhaatiirtu waxa ay xanuunkan ku daaweysaa labo kaniini oo kala ah albendazole 400mg hal xabo, 2 asbuuc kadibna hal kale ayaa loogu daraa.
mebendazole 100mg oo hal xabo laga qaadanayo hadii xabadaas lagu caafimaadi waayo hal kale 2 asbuuc kadib ayaa lasiinayo
Labadaan kaniini hadaad aad ka isticmaasho in kabadan 2 xabo iyaga ayaa xanuuno kale hor leh kugu keenaya.
Mahadsanidiin
DrAmen
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!