Villa Soomaaliya Hadmay Miyirsan Doontaa?
Heerka garasho ee bini’aadamku wuu kala duwan
yahay. Wuxuu ku kobcaa aqoonta iyo waayaha. Wuxuu ku kala duwan yahay hadba
sida loogu dhaqmo, oo noqon karta mid waxtar ama mid waxyeello leh, mid
Caddaalad ku dhisan iyo mid Caddaalad darro ku dhaqanta.
ALLE ha u naxariistee
Marxuum- Faarax Galooley, oo u dhashay Gobolka Banaadir- labadii Ra’iisul-wasaare
ee ugu horreeyey xornimadii lixdankii ka bacdi, markay Villa Soomaaliya
magacowday, wuxuu yidhi; "Cabdirashiid iyo Cabdul-rasaaq mooyaane inta kale ma
Rooti baa” Labadaas Ra’iisul-wasaare waxay u dhasheen gobolka Bari ee
Soomaaliya.
ALLE ha u naxariistee
Madaxweyne Cabdirashiid Cali Shar-ma-arke wuxuu Ra’iisul-wasaare u magacaabay
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo isbeddel weyn ku
sameeyey qaab dhismeedkii iyo jawigii Siyaasadda ee dalkii Soomaaliya. Hase ahaatee jawigii cusbaa ee siyaasadeed ma
raagin.
Laba sanno kadib
1969kii Golihii sare ee kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, ayaa
Villa Soomaaliya inqilaab ku qabsaday.
Muddadaas
Marxuum-Faarax Galooley qaab
siyaasadeedkii iyo doorashooyinkii markuu ka yaabay wuxuu yidhi "Nin Dooran bay
na leeyihiin Doorta”
21 Sannadood kadib
halgankii hubaysnaa ee SNM iyo gacan siinteedii SNC ayaa soo afjaray Taliskii
Villa Soomaaliya 1991kii. Labada jabhadood midna lalama tashan, waxana Villa
Soomaaliya gacanta ku dhigay Cali Mahdi iyo Kooxdii Maano-feesto ee magaalada
Muqdisho.
Iskahor-imaadyadii
sannadkaas ka bilowday Soomaaliyadii Talyaanigu xukumi jiray wali way socdaan.
Talisyadii iskaga dambeeyey Villa Soomaaliya, nooc kasta oo ay ahaayeen
deganaansho kumay soo celin dalkaas.
Xaaladda Villa
Soomaaliya maanta ayey ugu liidataa. Ciidamo shisheeye oo ka socda ama u
adeegaya dano kala duwan, mararka qaarna iska soo horjeeda ayaa hadba lagu soo
kordhinayaa. Dhab ahaan maanta Villa Soomaaliya faraha waxba uguma jiraan.
Jawaabtu waxay tahay waxay Villa Soomaaliya miyirsan doontaa:-
Marka shacbiga Soomaaliya ay ka quustaan riyada midnimo dambe oo Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato.
Marka shacbiga
Soomaaliya ay fahmaan in Villa Soomaaliya ay ka dambayso kala qaybsanaanta iyo
iska-hor-imaadka shacbiga iyo gobollada dalkooda.
Marka shacbigu ogaado
in Villa Soomaaliya taliskeedu yahay, magac kastaba haloo bixiyee mid aan ka
duwanayn kii kaligii taliyihii hore u soo maray.
Markay shacbigu ku
qasbo in nidaamka federaalka ah ee ay qaateen sida uu yahay Villa Soomaaliya u
ogolaato in lagu dhaqmo.
Marka la joojiyo farogelinta Villa Soomaaliya ku hayso Garsoorka iyo Baarlamaanka.
Marka lagu qabso
Fiilada in Banaadir ay noqoto gobol sida gobollada kale ee dalkaasi.
Ugu dambeyn waxaan leeyahay Villa Soomaaliya waxay miyirsan doontaa marka shacbiga dalkaas ku nooli ay ogaadaan in fikirka fiiladaasi yahay mid u eg "Dameerkii lagu yidhi Beri baa darane bur dhaaf, ee ugu jawaabay ‘yaab dabaddey dareemaba bixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!