Cidkasta Oo Diidan Dawlad Nimada Somaliland Oo Cadawga Somaliland

0
Thursday October 14, 2021 - 10:16:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidkasta Oo Diidan Dawlad Nimada Somaliland Oo Cadawga Somaliland

    Waxa qoray Nuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray Nuradiin Diini

Aduunku sidiisaba waa masaaliix dano iyo tacaamul ku xidhan hadaba sidii laysu af-garto oo dalkastaaba ka kale danihiisa uga turjumo.



Tusaale ahaan Azerbajan waa dalka labaaad ee shiico ah uguna balaaadhan aduunka waxaanay Saaxiib dhaw yihiin Israa'iil, waxaana ka dhaxeeya xidhiidhi duplamaasiyadeed oo aad u dhaw, halka Iiraan iyo Israa'iil ay col ka yihiin. Sidoo kale Iiraan waxa ay saaxib yihiin Armania oo Azerbajaan iyo Turkiguba ay iska soo horjeedaan, hadda garo oo Armania waa dal kiristaan ah waliba "Orthodox" Kala duwanaanshahaasi diimeed muu hor istaagin xidhiidha qotoda dheer ee laba geesooska ah "Bilateral relations".  Kala duwanaanshaha Diimeed, xidhiidhkaasi ku muu noqon caqabad mana jirto wax odhanaysa kala diinbaynu nee yeeynaan tacaamulin. Waa mid muujinaysa sida dal kastaa danihiisa u raacaayo.


Itoobiya waa dal balaadhan oo aynu jaarnahay, waxa aynu wadaagnaa xuduud aad u balaadhan, waxa inaga dhaxeeya dhaqan soo jireena, waxaana intabadan ku tiirsan dhaqaale heena, suuqa ugu weyn ee aynu lee nahayna waa suuqa wajaale, waxaana ka dhaxeeya heshiisyo ganacsi oo ilaa qarniyo hore ah waana jira "Informal relationships". Suura galiya isu socodka xuduudaha, ganacsiga, iyo fududaynta hawlaha diplomaasiyadeed ee dunida, waxaana jiro xafiisyo qunsiliyadeed oo ku yaala Adiis Ababa iyo Hargaysa kana shaqeeya danaha labada wadan walow intii uu yimid Abiy Ahmed aanu xidhiidhku sidii hore ahayn. Sidaasi oo ay tahay Itoobiya waa wallaaleheen waxaana inaga dhaxeeya qadiyadaasi aan soo sheegnay waana wallaalaheen.


Soomaaliya iyo Soomaalilaan waxa ay ku midoobeen Jahuuriyada Somalida, tiina waxa ay burburtay 1991kii dagaalo qadhaadh oo dhiig ku daatay darteed.  Soomaalilaan is keed waxa ay ugu dhawaaqday Dawladnimadeeda "Self declared" oo ah wixii ay u halgantay oo madaxbanaanideeda ah riyadeeduna waa taasi

Soomaaliyana hadda waxa ay dhistay nidaam cusub oo federaal ah kaasi oo ku dhisan hab qabali ah "Clan federalism" in reerkastaa iskii dawlad goboleed u yeesho isuna maamulo Dawlada dhexena ay ahaato Federal Republic Of Somalia kana kooban shan maamul Reereed.


Waxa muuqata sharci ahaan, nidaam ahaan, in si dhaba ay u kala guureen labadii Dal ee midoobay 1960. Mana jirto wax dano ah oo ka dhaxeeya hadda, isdiidooyin colaadeed mooyaane, si dhaba loogama heshiin wixii dhibaatooyin dhacay oo waxba layska ma weydiin, Gooni isu taaga Soomaalilaan si toosa ayay u diidan yihiin 30sanadoodna waxa ay Soomaalilaan u dabrantahay, Soomaaliya. Walow Madaxweyne Farmaajo uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee qira wixii xumaato ahaa ee dhacay ama ay gaysteen.


Marka ay xaajo sidaasi tahay waxa aan odhan karnaa Cida diidan dawladnimada Soomaalilaan, waa Soomaaliya. Nin ku yidhi sinaan mayno adna buri sarayntii, sadka waad wadaagtaane ma sagaashanbaa tiisu".

  

Ma jirto wax Wada lahaasho Dawladeed oo ka dhaxeeya Soomaalilaan iyo Soomaaliya mana jiro xidhii fiican oo jaarnimo dhexdooda ka jira,   Cid kasta oo diidan Soomaalilaan jiritaankeedu waa Cadowga Soomaalilaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...