Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Wareejinta Xisbiga Kulmiye Iyo Faa'iidada Ugu Jirta Waddani

0
Thursday October 14, 2021 - 09:45:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Wareejinta Xisbiga Kulmiye Iyo Faa'iidada Ugu Jirta Waddani

    "Hadaba wareejinta xisbigu Madaxwayne Muuse faa'iido ma u noqon kartaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadaba wareejinta xisbigu Madaxwayne Muuse faa'iido ma u noqon kartaa" Hargaysa ( HWN) Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Muuse Biixi doonayo in uu ku wareejo xisbiga Kulmiye Saaxiibkii Maxamed Kaahin Ahmed.


Waxaanu su'aal geliyay Mujaahidku midka ay yeelan karto faa'iido iyo Faa'do daraba wareejinta Xisbiga Kulmiye, waxaanu sidaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, oo uqornaa sidan:-



Muj Maxamed Kaahin hadii uu isagu diyaar u yahay in lagu wareejiyo xilka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye horta marka laga eegayo xilka uu xisbiga ka hayo ee Gudoomiye Xigeenka koobaad isaga ayaa jaranjarta labaad ee ugu saraysa hogaanka xisbiga ah dabcan taa wuu ku leeyahay oo cid kaga xaq lihi ma jirto. Ta kale waa xidhiidhka isaga iyo Muuse muddo ka badan 35 sanadood oo Maxamed gar iyo gardaroba uu Muuse taageeradiisa la barbar joogay isaga oo aan isagu damac gaar ah lahayn ee Muuse uun wax la doonayay. Maanta hadii Muuse muraadkii uu lahaa gaadhay Maxamedna markii ugu horaysay wax doonay weliba isagu ka ugu mudan ee ugu xaq leh yahay, Muuse wuu ku qasban yahay in markii ugu horaysay uu wax la doono Maxamed oo isaguba weligii wax la dooni jiray Isaga.


Hadaba iyadoo ay doorasho inagu soo fool leedahay wareejinta xisbiga xiligan way caddahay in ay qayb ka tahay kaambaynka iyada oo la og yahay xaaladda Kulmiye iyo heerka hoos u dhaca oo runtii la odhan karo wuxu joogaa heerkii ugu hooseeyay abid intii uu jiray marka la og yahay dildilaaca jira ee ka ku soo fool leh. Hadaba wareejinta xisbigu Madaxwayne Muuse faa'iido ma u noqon kartaa oo kalsoonidii taageerayaasha xisbiga ma soo celin kartaa mise waabay uga dari kartaa oo waxay ku noqon midh kiniin ah oo dawo ahaan uu u liqay balse ku noqday dhunkaal?


Muuse Biixi oo haatan afar sanadood xilka hayay lagama yaabo in taageeradii jeegaantu ay marna noqon doonto sidii doorashadii 13kii November 2017kii sababo badan oo is-huwan awgood. Taasina dabcan waxay fursad u tahay Xisbiga WADDANI iyo musharixiisa xilka Madaxwaynaha Mudane Cabdiraxmaan Cirro weliba hadii si aan surmo-seegto iyo midiroor u maarayn karaan taladooda guud ahaan xisbiga iyo gaar ahaan istraatajiyada kambaynka doorashada kal dambe hadii Allah yidhaa. Sidaa daraadeed waxa suurogal ah in wax badani ay iska bedeli doonaan xaaladda inta ka horaysa dhamaadka sanadkan.


Caligurey
Hargeysa
Loading...
Loading...