Cabdulqawi oo ka hor yimid xukunka ICJ kana hadlay qiyaanada ku jirta go'aanka

0
Thursday October 14, 2021 - 09:32:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdulqawi oo ka hor yimid xukunka ICJ kana hadlay qiyaanada ku jirta go'aanka

    Muranka waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya ay dooneysay in cabbirka xadka badda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muranka waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya ay dooneysay in cabbirka xadka badda



Sharci-yaqaan Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa sharci darro ku tilmaamay in Kenya loo xukumo bad aysan lahayn, isagoo cadaalad darro ku tilmaamay go’aankii shalay, kaasoo Soomaaliya ku heshay 92.5% badii ka maqnayd.

Cabdulqawi waa xubin sare oo katirsan 15-ka Garsoore ee gaarta go’aannada Maxkamadda ICJ, wuxuu sidoo kale ahaa Madaxweynihii ka horeeyay gabadha hadda xilka haysa Joan Donoghue oo u dhalaatay Mareykanka, taasoo xilka la wareegtay Feb. 2021.

 

Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay Cabdulqawi in ICJ ay cadaalad darro ku sameysay Soomaaliya kadib markii ay go’aamisay in la qalloociyo xariirdii toonayd, iyadoo Kenya u sharciyaysay xuduud badeedkii la isku haystay qeyb kamid.

Muranka waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya ay dooneysay in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo.

Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid kahor imaanaysa go’aanadii hore ee Maxkamadda oo ahayd in Soomaaliya ay xuduudeeda badda ku cabiran tahay dhulkeeda, islamarkaana xariiqda ay tahay mid toosan.

 

ICJ ayaa sheegtay in Kenya aysan haysan marin biyood kadib markii heshiis ay la gashay Tanzania ay ku waysay dhul badeed gaaraya 25,000 mile. Baaxadda ay ku fadhiso badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa 100,000km oo isku wareeg ah. Cabdulqawi ayaa sheegay in go’aankii shalay uu ahaa mid eex iyo cadaalad darro ah, islamarkaana ay ICJ si bareer ah, oo sharciga baal-marsan u siiyay Kenya bad aysan lahayn, iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo in cariir kasoo wajahay dhanka Tanzania bad uga maqan.

 


Loading...
Loading...