Qatar ayaa meesha ka saareysa caadiyeynta xidhiidhka ay la leedahay Israel

0
Thursday October 14, 2021 - 09:23:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar ayaa meesha ka saareysa caadiyeynta xidhiidhka ay la leedahay Israel

    "Ma aha inaan xooga saarno caadiyeynta dhaqaalaha oo aan hilmaamno qabsashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma aha inaan xooga saarno caadiyeynta dhaqaalaha oo aan hilmaamno qabsashada



Ra’iisul wasaare ku xigeenka Qatar ahna wasiirka arrimaha dibadda Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa meesha ka saaray in heshiiskii Abraham uu caadi ka dhigayo xidhiidhka Israel marba haddii "aysan jirin wax rajo ah oo lagu soo afjarayo qabsashada ay qabsatay dhulka falastiin.”

 

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay maalintii labaad ee Madasha Amniga Adduunka oo lagu qabtay caasimadda Qadar ee Doha.

 

"Ma aha inaan xooga saarno caadiyeynta dhaqaalaha oo aan hilmaamno qabsashada (Israa’iil) ee dhulka carabta,” ayuu yiri diblomaasi sare oo ka tirsan dowladda Khaliijka.

 

"Ma aragno wax rajo ah oo ku aaddan geeddi-socodka nabadda, sidaas darteed waxaan aaminsanahay in Heshiiskii Ibraahim uusan wax ku biirin karin xallinta xiisadda,” ayuu yiri wasiirku.

Al Thani wuxuu sheegay in tillaabooyinka dhaqaale ee ay Israel qaadayso si loo hagaajiyo nolosha Falastiiniyiinta ay xallinayso qeyb yar oo ka mid ah dhibaatada.

 

Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa tilmaamay inay doonayaan inay ballaadhiyaan Heshiiskii Abraham oo ay ku daraan dalal kale oo carbeed, laakiin waxay u muuqataa in marka la dhadhamiyo wasiirka hadalkiisu uu yahay in Qadar aysan ku jirin liiska.

 

Ka hor kulan saddex geesood ah oo la qorsheeyay Arbacada oo ay la yeelan doonaan diblomaasiyiinta ugu sarreeya ee Israa’iil, Imaaraadka iyo Mareykanka, sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa wariyeyaasha u sheegay in Heshiiska Abraham uu "gacan ka geysan karo in la gaadho Bariga Dhexe oo nabdoon oo barwaaqo ah”.

 

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa yiri "ma ahan mid lagu beddeli karo xal laba dawladood ah. Waxaan rajaynaynaa in caadiyeynta laga faa’iideysan karo si loo hormariyo horumarka ku socda waddada Israel iyo Falastiin.”

 

Sarkaalka ayaa sheegay in maamulka Biden uu "si firfircoon uga shaqeynayo ballaardhinta” heshiiskaa taariikhiga ah.


Loading...
Loading...