"Muuse Biixi Dhagar Siyaasadeed Ayuu Ka Galay Wasiir Maxamed Kaahin"

0
Wednesday October 13, 2021 - 15:32:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Dhagar Siyaasadeed Ayuu Ka Galay Wasiir Maxamed Kaahin"

    "Looma baahna in tafaasiil laga bixiyo siyaabaha uu Madaxweynuhu saxiibkii ku dilay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Looma baahna in tafaasiil laga bixiyo siyaabaha uu Madaxweynuhu saxiibkii ku dilay"
Hargaysa (HWN) Wasiir Dawlihii Hore Maxamuud Aadan Jaamac Galaal ayaa sheegay in Muuse Biixi dhagar siyaasadeed ka galay Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Waxaanu Gaaal sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

 

Wasiir Maxamad Kaahin waa mujaahid meel weyn kaga qoran taariikhdii halganka dalkan lagu xoreeyey.

Waa nin hayin ah oo xishooda. Waa nin xalaal cun ah oo afartii sannadood ee uu xilka wasiirnimo hayey xoolihii ummadu ka nabad galeen isaga iyo qoyskiisaba. Waa nin ixtiraam shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka mudan. Laakiin waa nin la dilay oo Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi dhagar siyaasadeed ka galay.

 

Seddex goor buu Muuse Maxamad dilay. 1) Deegaankiisii buu ku dilay, 2) maamulkii Wasaaradda Arimaha Gudaha ayuu ku dilay, 3) Xisbigii Kulmiye ayuu ku dilay. Looma baahna in tafaasiil laga bixiyo siyaabaha uu Madaxweynuhu saxiibkii ku dilay oo arimahaas inta og baa badan.

 

Sidaa daraadeed uma guda gelayo qaabka Mujaahid Maxamad deegaankiisa iyo wasaaradda loogu dilay walow ay saddexda qodobba xidhiidh leeyihiin, marka laysu darona ay saamayntoodu sii qaro weyntahay.

 

Ta xisbiga Kulmiye ayaan dhowr qodob idiinka iftiiminayaa. Ugu horayn waxay ahayd markii 2017 la doortay in Madaxweyne Muuse xisbiga iska wareejiyo. Hadday taladaasi seegtayna uu shirweynihii xisbiga ee November 2020 aanay la dhaafin.

 

Labadaba wuu seegay waxaanay taas iyo siyaasadiisii guud sababtay in xisbiga iyo taageerayaashiisii ka soo jeeday deeganka Wasiir Maxamad ay is waayaan, ka dibna kala fogaadaan. Kala fogaanshahaasi waxuu noqday mid aan laga soo kaban karin gaashaanbuutii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiyena ku baabado.

 

Shirka xalay ka dhacay magaalada Hargaysa ee rag door ah oo ka soo jeeda beesha wasiir Maxamad dhegaystayaadha ka ahaayeen ayaa la xaqiijiyey in mujaahidku uu ku gar naqsaday in uu ugu mudan yahay siyaasiyiinta beeshiisa xaqna u leeyahay in lagu ixtiraamo oo aan lagula barbar ordin guddoomiyanimada xisbiga.

 

In kastoo rag dhowr ah shirka ka cadeeyeen in aanay gudoomiyanimadda oo kiliyi beesha deeqin Wasiir Maxamad muu soo hadal qaadin murashaxnimada xisbiga ama han iyo mustaqbal guddoomiyenimada dhaafsiisan.

 

Aniga iyo dad badan oo ila fikir ahi waxay qabaan in garnaqsigaas uu wasiir Maxamad xalay ku tiraabay aanuu ku haboonayn goobtaas iyo xiligan. Goobta kuma haboonayn oo waxa hor fadhiyey taageerayaal beeshiisa ka soo jeeda. Xiligan may haboonayn oo waa aakhir saaca uu xisbiga Kulmiye dhuunyeedhinayo oo naftii ka sii baxayso.

 

Goobta uu garnaqsigaasi ku habboonaa waa xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi xiliga gartaasi macno yeelan lahaydna waa 2017/2018. Maanta waxa bedka yaala xisbi sida cawsha looga kala yaacay oo sakaraatal mowtkii la rafanaya. Waxaan Wasiir Maxamad ku odhan lahaa dhiibista xisbigu waa "poisoned chalice” ee ka fogow. Gacmahaaga yuu ku dhimane. Waa iga talo.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal”


Loading...
Loading...