Qodobada Quruxda Badan Fullin Bay U Baahan Yihiin

0
Saturday May 18, 2019 - 12:01:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobada Quruxda Badan Fullin Bay U Baahan Yihiin

    Madaxweyne Biixi mar walba khudbado fiican iyo hadal macaan wuu jeediya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi mar walba khudbado fiican iyo hadal macaan wuu jeediya, laakiin waxa ka dhiman ficilkii qodobaasi uu sheegay lagu fulin lahaa, waynu aragnay sanad iyo badh wasiiradii uu soo cugtay inay kaliya ku qanacsan yihiin wasiir balse wax muuqdo oo la qabto wali lama hayo.


Sanadkii 2018-kii wax la taaban karo oo la qabtay ma jirto, lacagtii 34% ee horumarinta loogu tallogalay wax lagu qabtay anigu ma hayo, meel ay martay iyo xisaabtay lama sheegin, sanadkii labaad badhtankiisii baynu maraynaa illaa hadda wax buuran oo la qabtay ma jirto marka laga reebo barnaamijka shaqo qaran.



Maanta waxay ahayd inuu ku faanno waxyaalo waaweyn oo la qabtay, hadii aanay jirin sababta u dhici wayday waayo wasaarad walba wax baa loo xil saaray miisaaniyad way leedahay, waa in wasiirka lala xisaabtama oo la waydiiyaa maxaad waxaas u qaban wayday,laakiin wasiiiradii wali waan ku qanacsanahay ee shacabow ku qanca ama ha ku qancina idinkay idiin taallaa ayey u eekaanaysa xaaladda jirta.


Hadii wax la qabanayo marka kowaad cidii fulin lahaa waa in la helaa, marka labaad waa in isla xisaabtan cad oo shay waliba wuxuu ku baxay la helaa, agaasimaha shaqo qaran inuu ka duwan yahay wasiirada waxa marag ma doon ah in muddo laba bilood gudahood ku qabtay shaqo weyn oo ay dadku si weyn usoo dhoweeyeen, wasiiradii sanadka iyo badhka joogayna dadku way saluugsan yahay wax lagu amaanna may qaban.


Qofka shaqo qaran udireysa marka hore waxa lagu qiimeeyaa waayo aragnimo, hal abuurnimo iyo go’aan qaadasho, hadii intaas laga weeyi daal uun baa la korodhsanayaa.


Barkhad-ladiif Mohamed Omar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...