Soomaalidu ma carab baa mise african ?

0
Wednesday October 13, 2021 - 11:29:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 3087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalidu ma carab baa mise african ?

    Carab iyo African: horta marka la rabo in la tilmaamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Carab iyo African: horta marka la rabo in la tilmaamo

Dad badan oo soomaali ah ayaa is weydiyo su’aashaan, Kahor inta aan u guda galin mowduuca adiga maxey kula tahay…
Dad badan oo soomaali ah ayaa is weydiyo su’aashaan, Kahor inta aan u guda galin mowduuca adiga maxey kula tahay ka fakar kadibna noogu reeb dhanka commentga mahadsanid.
Bismilaah
Carab iyo African: horta marka la rabo in la tilmaamo
Qowmiyad magaceeda amma isirkeedu cidda uu
yahay,waxay u baahan tahay in la tixraaco Qowmiyadu
halkay isir ahaan ka soo jeeddo, iyadoo la sameenayoo cilmi baadhis dhaba.
Midda ku saabsan Soomaalidu ma Carab baa mise waa African,waxay tahay markaas in laga dhex hello jawaabta
su’aasha kale ee ah: Soomaalidu xagay asal ahaan kasoo jeeddaa?
haddaan hadaba tan isku raacno sida ay dadka
Taarikhda qaarkood sheegaan: waxay leeyihin dadka
Taariikhdu,Soomaalidu waxay qayb ka tahay amma
isirkeedu ka soo jeedaa Umadaha la isku yidhaahdo:Afro-asiatic people or Cunutsics(konutsiks.
Soomaalidu hadaba markaan taariikhdan ka tix-raacno
waxay asal ahaan amma isir ahaanba ka soo jeedaan
Qowmiyadahaas la isku yidhaahdo Afro-Asiatic People.
tan macnaheedu waxa weeye isir isku jir ah oo ka kala yimid ( Asia/Arab penninsula amma jaziirada carabta iyo Geeska Africa )
marka hadaba laga tago waxa aynu had iyo hal-hayska u leenahay ee Afrikan amma Carab iyadoo aynaan midna si
toos ah iskugu darin,xaqiiqadu waxay u dhowdahay in
aan asal ahaan haddaan Soomaali nahay ka koobanahay
laba isir oo midoobay kuwaas oo kala ah Carab iyo
African waana tan sababta aynaan midna(carabnimada
iyo afrikanimada) midna si toos ah iskugu tirin.
Run ahaantii waxaa wacan in la iska dhaafo ku
tirikuteenta iyo hadalka aan ku salaysan xaqiiqda iyo
cilmibaadhista tariikheed.
Buugaag badan hadaad abdicasiisow akhriso oo ka
hadlaya taariikhda soomaalida iyo asalkeeda, sidaan ka
dheegtay waxay qoraan in soomaalidu kasoo jeedo afar
qabiil oo kala..
1) SALAANIYIIN o0 asalkoodu ka soo jeedo Masaarida,
waxayna ka kooban yihiin todobo qabiil oo waaweyn.
2) Qowmiyadda labaadna waxaa la yidhaahdaa XADRA,
waxayna ka soo jeedaan Carabta Yemen.
3) Reer Haali waa qowmiyadda saddexaad asal ahaana
waxayna kasoo jeedaanportugaal.
4) jaaliyadda afaraad waxaa la yiraahdaa reer Jaaluu,
waana BANTU. waxayna kas00 jeedaan asal ahaan
taanzaaniya.
Sidaan kor ku soo xusayna waxaa la yidhaahdaa
SOomaalidu waa reer xaam waxayna kasii galaan oo
kamid yihiin qoymiyadaha la yidhaahdo Kunutsik oo ay ku
bahoobaan dadka daga ethiopia, kenya,suudaan iwm
mar mana waxay yidhaahdaan waa Afroasiatic.
Hadaad qof soomaali ah waydiiso asalka soomaalida
mid walba wuxuu ku odhanayaa feker ugaar ah
halkaasna waxaa ka cad in aanay soomaalidu lahayn
taariikh cad oo loogu hagaago mana jirto cid isku
hawshay in ay baadho soona uruuriso.
Waxaa sidoo kale muhim in la ogaado in soomaalidu ay
xidhidh toos ah iyo mid dadban oo ganacsi ay la
lahaayeen dadka carabta ah oo ahaa xidhiidh ganacsi iyo
baayac mushtar.
Sidaa daraadeed anigoo aan aqoon balaadhan u lahayn
taarikhda soomaalida waxa ay ila tahay.
In soomaalida ay meel qudha kasoo wada jeedaan oo aanay ka kala iman meelaha kala duwan ee lagu tilmaamo sida carabaha iyo wixii lamida.
Af carabiga ku dhex jira luuqada soomaalida ee ah
erayada ay iska matalaan soomaaliga iyo carabtuna waxay ila tahay in ay yihiin erayo dalka soomaaliyeed yimid xiligii ganacsigaasi socday; tusaale ahaan:-
luuqadan la yidhaahdo sawaaxiliga oo wadamo badan laga hadlo kuna hadlaan dad aad ufara badan waxaa ay ka abuurantay sida la ogyahay markii ay dadkii diinta islaamka waday oo ee ahaa missionars-ku ay yimaadeen xeebaha geeska africa ayaa waxa ay go,aansadeen in ay dagaan dhulalka gees africa dumar badana way ka
guursadeen sidaa daraadeed ayaa si la isku fahmo
waxaa samaysantay luuqadan Sawaaxiliga oo ka dhex abuurantay labadii qowmiyadood waxaana halkaas ka baxday badanaa luuqadii meesha loogu yimid. Kalmadaha carabiga ahna waa kuwo halkaas ka yimid oo laga dhxalay dadkaas hore ee yimid xeebaheena.
Dhinaca colourka ama middabka soomaalida madowna
maaha casaana /caddaan maaha ee waa maarin
badankoodu way jiraan madow afrikaanta u eg
islamarkaana way jiraan caddaan carrabta u eg, laakiin majority waa maariin.
Hadaad yara dhugato suugaanta soomalida markay ka hadlayo tibaaxaysana midabka hablaheena waxay ka simanyihiin inuu midabkenu yahay MAARIIN.
Sidaa daraadeed taas waxaan odhan karaa anigu
shakhsiyan waa dad ku lifaaqmay carabtii hore sida sawaaxiliga oo kale ,maadaama ay diintu timid xeebaha geeska africa qarnigii 7-8aad waa dad kala guursadey siday ila tahay.
Marka waxaan ku soo gabogabeenaya jawaabtayda: Anigu waxaan aaminsanahay in ay soomaalidu meel
kaliya kasoo wada jeedo, oo aanay jirin cid ka timid dhul fog meeshana ay ku beermeen , kuwa ku jira ee caddaanka ahna in ay yihiin dad ka beermay dadkii kala duwanaa ee soo maray xeebaheena sida carabtii ganacsiga ku lahayd iyo dadkii diinta keeney wadanka ee xaruumaha ka dhigtay islamarkaana dagay magaalooyinkii ugu xadaarada horeeyey soomaaliya sida;
zaylac, berbera, marka, muqdisho iyo baraawe…



✍️Samatar Hussein Khalif


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...