Salaamu Calaykum, Soomaaliyeey iyo arooryo suubban.

0
Wednesday October 13, 2021 - 11:06:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaamu Calaykum, Soomaaliyeey iyo arooryo suubban.

    Waa arooryo suubban runtii, Ilaahay amarkiisa, isaga ayaa ku mahadsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa arooryo suubban runtii, Ilaahay amarkiisa, isaga ayaa ku mahadsan.
May be an image of 1 person



Waxa aan jecleystey in aan idinla wadaago suugaantan gaaban oo ka turjumeysa dareenkayga maanta, aninga oo aad ula socday, qaybna ka ahaa dadkii sida tooska ah ugu jirey hawshan hadda soo gebegebowday.
Magaceedu waa: "Aniga Waxba ha iga Caban" by Dr. Abdirahman Beileh.
Markay cimiladu wareegtay
Markii caabaqii dawoobey
Dareenkeygu caafimaaday
Indhaha caadkii ka duulay
Markii dhulku kala caddaaday
Markii caqligaygu fiilay
Col iyo nabad kala ogaaday
Dalkayga wixii curyaanshay
Cadaawaha meel ku sheegay
Dantayda calaamdaystay
Ninkii igu ceebsadoow
Aniga ii cadhoodayoow
Cunaha ii buurayoow
Codkayga markuu tibaaxay
Cirka isku shareerayoow
Ninkaa calaf aanu geyin
Illayn waa caadadiise
Calaacal ku raadiyoow
Anigu CUUUUC baan ku idhi
Weliba iyo laba callaaf
Dunidu waa caynba cayn
Dharaarbba midbaa casuuman
Carshiga lagaa soo bokhraayoo
Cillaan loo soo marshaa
Cumaamaddu saaranatahay
Hadday maanta kaa castahay
Cawaaqbixumaad waddee
Caweer kugu soo dullaantay
Anigu CUUUUC baan ku idhi
Weliba iyo laba callaaf
Haddeer waan kala carrownay
Cagtaydaan geeddiyeystey
Cilaaqaadkiina goostay
Cidliyo adigaa is mudan
Adaa is curyaamiyee
Maxaad ani igaga caban
Laftaada cadbbaan aqaannoo
Illayn carrabkaaga iyo
Calooshaadaa ismooge
Ilkaha waxba hay caddayn
Anigu CUUUUC baan ku idhi
Weliba iyo laba callaaf
Cadeedbaa soo baxdee
Madawgii haygu celin


Abdirahman Dualeh Beileh


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...